26.5 C
Mogadishu
Friday, June 20, 2025

Guddoomiye Muungaab oo eryay mas’uuliyiin dhowr ah, magacaabay kuwo cusub

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) oo tallaabo kale qaaday ayaa sameeyay isbeddel ballaaran oo lagu dardar-gelinayo howlaha maamulkiisa cusub.

Muungaab oo wareegto soo saaray ayaa xilalkii ka qaaday agaasimeyaal, isaga oo magacaabay kuwa kale oo cusub oo la shaqeyn doono, taas oo qayb ka ah isbeddelka uu haatan waddo.

Ismaaciil Cali Xuseen ayaa waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Maamulka Dhul bixinta Dowladda Hoose ee Xamar, waxaana xilalkii laga qaaday Zakariye Bashiir Muude iyo Cabdicasiis Axmed Cali.

Sidoo kale Xamdi Fatxi Cali ayaa waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Amniga iyo Dariseynta Gobolka Banaadir, wxaana xilalka laga qaaday Cabdifataax Jiinow Gacal iyo Mahad Xuseen Axmed.

Hani Xasan Cali, ayaa iydana waxaa loo magacaabay Agaasimaha Waaxda Biyaha iyo Deegaanka, waxaana xilkii laga qaaday Mudane Cabdullaahi Xasan Maxamed.

Dhanka kale, Duqa Magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa mas’uuliyiinta cusub ee uu magacaabay kula dardaarmay in ay dardargeliyaan howlaha shaqo ee loo idmaday.

Isbeddelkan ayaa qayb ka ah tallaabooyin dheeraad oo uu haatan wado Muungaab oo horay xilalkii uga qaaday guddoomiyeyaal degmo, isaga oo magacaabay kuwa kale oo cusub oo durbo xilalka la wareegay, waxaana arrintan ay qayb ka tahay qorshihiisa horumarineed ee caasimada.

- Advertisement -

Read more

Local News