26.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 8, 2025

Sanbaloolshe oo dib u helay kursigiisi xildhibaan ee BF – Maxaa dhacay maanta?

Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimada Online) – Agaasimihii dhawaan xilka laga qaaday ee hay’adda NISA Cabdullahi Sanbaloolshe ayaa maanta dib u helay kursigiisi xildhibaannimo, kadib doorasho saaka ka dhacday magaalada Jowhar.

Sanbaloolshe ayaa sida muuqata dib loo siiyay kursigiisi xildhibaan, kaasi oo uu lumiyay kadib markii loo magacaabay NISA. Doorashada oo ay ka soo qeyb-galeen xubno labada gole ee dowladda, bulshada rayidka iyo ergada beesha leh kursiga bannaanaa ayaa waxaa la sheegay inuu tanaasulay musharax Ismaaciil Warsame Faarax.

Doorashada dib u buuxinta kursigan oo tirsigiisu yahay #HOP058 ayaa ka dhacday xarunta Baarlamaanka Dowlad Goboleedka HirShabeelle ee magaalada Jowhar.

Ergada doorashada ee kursiga #HOP058 waxaa soo xaadirtay 101 ergo, iyadoo doorashadu ku dhacday hab xasiloon waxaana cod gacan-taag ah ku guulleystay musharrax Cabdullahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo helay 98 Cod halka ay ka ka aamustay 3 Codbixiye.

Natiijada waxaa ku dhawaaqay Cabdi Caddow Maxamed oo ka socda Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorrashooyinka Qaranka, waxaana uu goobta ku guddoonsiiyey Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) shahaadada Xildhibaanimo.

Doorashada Soomaaliya ayaa yeelatay Malxiis, taas oo ka dhigan in kursigu u xiran yahay hal qof, balse uu ku qasban yahay inuu lasoo heshiiyo qof u camira oo indhaha shacabka la tuso, iyadoo laga dhigayo inuu la tartamay.

Si kastaba, dib u hanashada kursigan ee Sanbaloolshe ayaa timid sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan maamulka HirShabeelle kadib markii Madaxweyne Cali Guudlaawe u tanaasulay Sanbaloolshe, una ogolaaday in kursigiisa uu soo qaato, isagoo dib u laqay dhibaatooyinkii siyaasadeed ee ninkaan uu hoggaamin jiray si loo cuuryaamiyo maamulkaas.

- Advertisement -

Read more

Local News