Nairobi (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa sheegaya in labo shaqaale dhagaxa qoda ah lagu afduubtay deegaanka Shimbir ee hoos taga degmada Mandheera.
Dabley hubeysan oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday gaari xamuul ah oo siday dhagxaan, xilli uu marayay meel u dhow deegaanka Chachaboole.
Afar qof oo kale oo saarnaa gaariga ayaa u suurtagashay inay ka baxsadaan goobta, balse laba shaqaale oo aan deegaanka u dhalan, laguna kala magacaabo John Kambua iyo Martin Musyoki ayey dableydan ku guuleysatay afduubkooda.
Wararka ayaa sheegaya in loo kaxeeyay goob aan la garanayn, taasoo keentay in hay’adaha ammaanka ay bilaabaan howlgal ballaaran oo lagu raadinayo dableyda afduubka geysatay.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo si isa soo taraysa looga walaacsan yahay falalka amni-darro ee ka dhacayey Mandheera, gaar ahaan kuwa lagu bartilmaameedsanayo dadka ka shaqeeya kaawada dhagaxa. Shaqaalaha aan deegaanka u dhalan ayaa si gaar ah halis ugu jira, maadaama weerarada noocan oo kale ah ay noqdeen kuwo soo noqnoqda.
Booliiska Kenya ayaa sidoo kale xaqiijiyay in 16-kii Juun meydka Naftali Wanjohi oo 40 jir ah laga helay goob dhagax laga qodo oo ku taalla deegaanka Quramadhoo, oo u dhow magaalada Ceelwaaq. Wanjohi ayaa la rumeysan yahay in la dilay, iyadoo falkaasi loo tiirinayo koox ka tirsan Al-Shabaab, inkastoo baaritaannada socda aysan weli keenin natiijo rasmi ah.
Weerarada joogtada ah ee lagu hayo dadka dhagaxa qoda ayaa dib u soo nooleeyay cabsi xooggan oo ku saabsan ammaanka shaqaalaha, gaar ahaan kuwa aan deegaanka kasoo jeedin. Mandheera oo xuduud la leh Soomaaliya ayaa muddo dheer wajahaysay khataro amni oo uga imaanaya xagjiriinta ku sugan dhanka kale ee xadka.
Si looga hortago halista sii kordheysa, guddoomiyaha gobolka Mandheera ayaa amar deg-deg ah ku bixiyay in la joojiyo dhammaan howlaha dhagaxa kaawada ee ka socda gobolka. Wuxuu tilmaamay in xaaladda amni ay sii xumaanayso, isla markaana loo baahan yahay in la ilaaliyo nolosha iyo badbaadada shaqaalaha ka hawlgala goobahaasi.

