Marka (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa shaaciyay in ay duqeymo qorsheysan ka fuliyeen deegaannada Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Duqeymahan ayaa lagu beegsaday xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana la fuliyay kadib codsi rasmi ah oo ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya. War-saxaafadeed kasoo baxay Taliska AFRICOM ayaa lagu sheegay in duqeymaha lala kaashaday dowladda Soomaaliya, isla markaana ay keeneen khasaare kala duwan.
Si kastaba ha ahaatee, Mareykanku ma caddeyn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarradan cirka ah, kuwaas oo ku soo beegmay xilli ciidamada dowladda ay dhaq-dhaqaaq ciidan ka wadaan gobolka.
Dhanka kale, saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gaaray deegaannada Sabiib iyo Caanoole, halkaas oo ay kormeer amni ku sameynayaan. Saraakiisha waxaa hoggaaminaya Taliyaha Ciidanka Dhulka Jeneraal Sahal Cabdullaahi, iyagoo xaqiijinaya sugidda amniga guud ee deegaannada dhowaan laga saaray Al-Shabaab.
Taliye Sahal ayaa sheegay in ciidamada ay u diyaarsan yihiin inay la wareegaan deegaanno hor leh oo ay horey u maamuli jireen Al-Shabaab, si amniga loo adkeeyo guud ahaan gobolka. Waxa uu xusay in tallaabooyinka socda ay yihiin kuwo qayb ka ah istaraatiijiyadda dowladda ee dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Dhowaan ayay aheyd markii ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda ula wareegeen deegaannada Sabiib iyo Caanoole, kuwaas oo istiraatiiji ah marka la eego deegaanka ay kaga yaallaan gobolka Shabeellaha Hoose. Tani waxay calaamad u tahay guulo isdaba-joog ah oo laga gaarayo howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.
Howl-galladan militeri waxaa ciidamada Soomaaliya kala shaqeynaya ciidamada nabad-ilaalinta Midowga Afrika ee AUSSOM, gaar ahaan kuwa ka socda dalka Uganda. Iskaashigan ayaa lagu doonayaa in Al-Shabaab looga saaro deegaanada ay kaga sugan yihiin koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.