25.4 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Yaa ku guuleystay dagaalkii Iiraan iyo Israa’iil?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Qaahira (Caasimada Online) – Tan iyo Axaddii, Bariga Dhexe wuxuu dhex dabaalanayey dagaal sii xoogeysanaya oo markiiba u soo wareegay xabad-joojin aan hubanti lahayn. Heshiiskan xabad-joojinta ah ayaa u muuqda inuu sii socdo, iyadoo madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu dagaalka Israel iyo Iran dhex maray ugu yeeray “Dagaalkii 12-ka Maalmood” ee hadda soo gabagaboobay.

Hase yeeshee, Trump, Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu, iyo madaxda Iran ayaa mid kasta gaarkiisa u sheegtay in xabbad-joojinta lagu gaaray shuruudihii ay doonayeen.

Haddaba, runta arrintu waa maxay? Maxay Israel gaartay? Mase awoodday Iran inay difaacdo xarumaheeda muhiimka ah? Xabbad-joojintuse ma dariiq nabadeed baa?

Sidee xaaladda u dhacday?

Fiidnimadii Sabtida, isagoo Israel dalabkeeda fulinaya, Maraykanka ayaa ku biiray dagaalka Israel iyo Iran isaga oo weeraray xarumaha nukliyeerka ee Fordow, Natanz iyo Isfahan, Trump ayaana weerarkan ku tilmaamay in gebi ahaanba “lagu baabi’iyey” xarumihii la weeraray.

Isniintii, Iran ayaa ku jawaabtay inay gantaallo ku weerartay saldhigga ugu weyn ee ciidanka cirka Maraykanku ku leeyahay Bariga Dhexe, Al Udeid oo ku yaalla Qatar.

Waxaa muuqaneysay in gobolka uu qarka u saarnaa dagaal weyn oo muddo dheer socda. Balse saacado gudahood, Trump ayaa bartiisa Truth Social ku soo qoray, “Waxaa si buuxda loogu heshiiyay xabad-joojin dhameystiran oo u dhexaysa Israel iyo Iran.”

Trump ayaa dagaalkan ku tilmaamay “Dagaal 12 maalmood socday oo sababi lahaa burburka Bariga Dhexe, haddii uusan istaagin.”

Afartii saacadood kadib markii xabad-joojinta la filayay inay hirgasho, Israel ayaa mar kale duqeyn ka geysatay gudaha Iran, waxayna sheegtay inay uga aar gudanayso labo gantaal oo ay Iran ku soo tuurtay hawadeeda, in kastoo labada gantaalba la qabtay. Duqeynta Israel waxay burburisay saldhig radar oo ku yaalla agagaarka Tehran.

Trump ayaa aad uga xanaaqay tallaabadan Israel qaadday, wuxuuna weriyeyaasha u sheegay, “Aad baan uga xumahay tallaabada Israel qaaday saaka. Waxaan haysannaa laba waddan oo muddo dheer dagaallamayey, oo hadda aanba garaneyn waxay sameynayaan.”

Iran waxay beenisay inay iyadu ridday gantaalladaas. 11:30 GMT ayaa xabbad-joojintii dib loo soo celiyey, Trump ayaana la hadlay Netanyahu, wuxuuna yiri, “Israel ma weerarayso Iran, diyaaradaha oo dhan dib ayay ugu soo laabanayaan dalkooda.”

Maxay tahay guusha ay Israel gaartay?

Muddo dheer ayay Israel sheeganeysay in Iran tahay halista ugu weyn ee jiritaankeeda, balse weligeed kuma aysan dhiirran inay weerarto xarumaha nukliyeerka ee Tehran.

Juun 13-keedii ayay Israel ka tallaabsatay xadkaas, iyada oo duqeysay warshadaha shidaalka lagu kobciyo ee Natanz iyo xarunta tiknoolajiyada nukliyeerka ee Isfahan. Iran ayaa ku jawaabtay inay diyaarado aan duuliye lahayn iyo gantaallo ku weerartay Israel.

Israel horay waxay weerarro ku qaadday xarumo nukliyeer oo ku yaal Syria iyo Ciraaq, balse hadda waxay muujisay inay fulin karto hawlgal adag oo masaafo dheer ah.

Sidoo kale, waxay ka badbaadday cambaareyn caalami ah oo lagu eedeeyey sharci-darro hawlgalkeeda. Israel waxay sheegtay inay tallaabadu ahayd is-difaac hore, inkastoo qof waliba uusan isku raacsaneyn in Iran haysato hub nukliyeer ah ama qorsheyneysay inay si degdeg ah ugu adeegsato Israel.

“Waxaan la hadlayaa madaxda adduunka oo aad ula dhacay go’aanka iyo guusha ciidamada Israel,” ayuu yiri Netanyahu 18-kii Juun.

Sidoo kale, Israel waxay muujisay inay Maraykanka ku qancin karto inuu ka qeyb qaato dagaal kooban oo Bariga Dhexe ka dhacaya. Dagaalladii hore ee 1967 iyo 1973, Maraykanku wuxuu taageero siiyey Israel, balse toos ugama qeyb qaadan dagaalka.

Netanyahu wuxuu Trump uga mahadceliyay “inuu dhinaceenna istaagay.”

Hawlgalka lagu magacaabay “Rising Lion” ayaa yimid iyadoo Israel ay weerarro hore ugu qaadday xulafada gobolka ee Iran sida Xuutiyiinta Yemen, Xamaas ee Gaza iyo Xisbullah ee Lubnaan. Labadii sano ee la soo dhaafay ayay Xamaas iyo Xisbullah awood ahaan aad u daciifeen.

Iran ma difaacatay barnaamijkeeda nukliyeerka?

Israel waxay si weyn u waxyeelleysay bartilmaameedyadii Iran ee dusha sare ahaa, Maraykankuna wuxuu sheegay inuu burburiyay xarumaha nukliyeerka ee dhulka hoostiisa.

Laakiin inkasta oo sawirrada dayax-gacmeedku muujiyeen in gantaalladu bartooda ku dhaceen, haddana lama hayo xaqiijin madax-bannaan oo lagu ogaado heerka burburka.

“Waqtigan, cidna, xitaa Hay’adda Tamarta Nukliyeerka ee Adduunka (IAEA), kuma jirto boos ay ku qiimeyn karto burburka dhulka hoostiisa ee Fordow,” ayuu yiri Rafael Grossi, madaxa IAEA, isagoo sheegay in laga yaabo burbur badan inuu jiro sababo la xiriira walxaha qarxa ee la adeegsaday.

Sidoo kale lama garanayo halka ay mareyso 400 kg oo uranium ah oo aad loo kobciyey oo IAEA ay sheegtay inay gacanta ugu jirto Iran.

Mohammad Eslami, madaxa hay’adda tamarta nukliyeerka ee Iran, ayaa sheegay in barnaamijkooda nukliyeerku uu ka soo kaban doono weerarka, iyadoo qorshuhu yahay inaan wax adeeg ah hakad gelin.

Dhanka kale, wali waxaa jira jahwareer ku saabsan halka ay ka yimaadeen labada gantaal ee Talaadadii subax ku dhacay gudaha Israel, xilli dowladda Iran ay rasmi ahaan beenisay inay soo ridday.

Imisa ayay suurtogal tahay weerar kale oo lagu qaado Iran?

Waxa ay labada dal ku heshiiyeen waa xabbad-joojin, balse nabad rasmi ah ma jirto.

Khubarada ayaa qaba in laba waddo oo keliya u furmi karto barnaamijka nukliyeerka Iran: Kormeerro cusub oo Qaramada Midoobay ah iyo heshiis cusub oo ay Iran la gaarto reer galbeedka, balse Israel ayaa hore u diiday heshiis noocaas ah.

Ugu dambeyn, haddii arrimaha muhiimka ahi sidaan kusii socdaan, waxaa suuragal noqon kara dagaal kale oo ka qarxa Bariga Dhexe oo soo jiita Maraykanka.

- Advertisement -

Read more

Local News