26.9 C
Mogadishu
Wednesday, June 25, 2025

Koofi oo shaaciyey in DF ay ku soo weerartay gurigiisa

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi), xoghayaha siyaasiyiinta mucaaradka ah ee ku mideysan Madasha Samatabixinta, ayaa sheegay in gurigiisa lagu soo weeraray. Wuxuu ku hanjabay in haddii sharcigu shaqeyn waayo, ay raggu sinaan doonaan.

Waxaa gurigayga si sharci-darro ah oo daandaansi leh ku yimid ciidamo sheegay inay ka socdaan gobolka. Waxay amreen inaan ka guuro xaafadda. Aniga oo weli ixtiraamaya amniga iyo dowladnimada, waxaan ku dadaalay inaan wax dhib ah ka dhicin goobta. Waxaan u sheegay inay la yimaadaan sharciyad, kuna laabtaan cidda soo dirtay,” ayuu yiri Koofi.

Koofi wuxuu sheegay in ciidan looga soo diray gobolka ay ku amreen inuu ka guuro xaafadda uu degan yahay, balse uu ka codsaday inay la yimaadaan sharciga uu ku rarayo guriga uu ka degan yahay Muqdisho.

Sidoo kale, Koofi ayaa shaaciyey in maalmahan ay soo gaarayeen digniino la xiriira weerarro ka dhan ah mucaaradka, isagoo yiri: “Hore ayaan u helayay fariimo digniin ah oo sheegayay inuu jiro qorshe lagu beegsanayo xubnaha Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed iyo guud ahaan mucaaradka ka aragtida duwan madaxda dowladda. Laakiin waxaan garan waayay sababta dowlad kasta ay Maxamed Madarkicis uga bilaabato howlgalkeeda.”

“Haddii dowladnimo iyo sharci la baalmaro, raggu waa siman yihiin – taa hala ogaado.”

Arrintan waxay timid xilli ay kor u sii kacayaan xiisadaha siyaasadeed iyo kuwa amni ee ka taagan Soomaaliya. Dowladda federaalka ah ayaa wajahaysa cadaadis xooggan oo ku saabsan sida ay u maareyneyso dib-u-eegista dastuurka, xiriirka kala dhexeeya dowlad-goboleedyada, iyo hawlgallada ka dhanka ah kooxda hubeysan ee Al-Shabaab.

Xisbiyada mucaaradka, oo ay ku jirto Madasha Samatabixinta, ayaa ku eedeeyay dowladda in ay xoogga isugu geysay awoodda dhexe, ay hareer-marisay dowlad-goboleedyada, isla markaana ay dib u dhigtay dib-u-habeynta doorashooyinka iyo maamulka.

Shirarkii ugu dambeeyay ee mucaaradka oo ka dhacay Muqdisho ayaa ku baaqay in la helo hufnaan dheeri ah, jadwal doorasho oo cad, iyo in si buuxda loo ilaaliyo dastuurka ku meel gaarka ah. Dhanka kale, dowladda ayaa ku eedeysay mucaaradka in ay hor istaagayaan horumarka qaran.

Maxamed Aadan Jimcaale, oo si weyn loogu yaqaan naanaysta “Koofi,” waa siyaasi mucaarad ah oo khibrad dheer u leh siyaasadda, isla markaana horey u soo qabtay xilal dowladeed. Wuxuu mar madax ka ahaa hay’adda socdaalka iyo jinsiyadaha Soomaaliya, wuxuuna tan iyo markaas noqday dhaliile weyn oo ka dhan ah waxa uu ugu yeero ku xadgudubka dastuurka iyo awood xad-dhaafka ah ee dowladda.

Doorkiisa haatan ee Madasha Samatabixinta wuxuu dhigayaa bartamaha dadaallada lagu mideynayo codadka mucaaradka iyo ololaha loogu jiro dimuqraadiyad dhab ah.

- Advertisement -

Read more

Local News