25.3 C
Mogadishu
Saturday, June 28, 2025

Maxkamad isku khaladay Hawiye iyo jasiiradda Hawaii oo jahwareer ka abuurtay UK

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

London (Caasimada Online) – Nin magangelyo-doon Soomalai ah ayaa helay fursad ku-meel-gaar ah oo uu ku sii joogi karo dalka UK, kaddib markii la ogaaday in garsoore dhinaca socdaalka ah uu isku khalday magaca qabiil Soomaali ah iyo jasiiradda Hawaii ee dalka Mareykanka.

Isku-darkan dhex maray magaca gobolkaas Mareykanka ka tirsan iyo qabiilka Hawiye ayaa la sheegay inuu ahaa mid ka mid ah “khalaadaad is-daba-joog ah” oo lagu sameeyay go’aankii maxkamadeed ee ninkan loogu diiday codsigiisii ahaa inuu sii joogo Boqortooyada Midowday (UK).

Sidoo kale, go’aankaas ayaa si khaldan loogu sheegay in carruurta magangelyo-doonka ay ku dhasheen dalka Masar halkii ay ka ahayd Itoobiya, waxaana ku jiray “tixraac layaab leh oo ku saabsan beer kookaburra ah,” sida lagu sheegay go’aan cusub oo la soo saaray. Kookaburra waa shimibir laga helo dalalka Australia iyo New Guinea.

Ninkan, oo ay maxkamadda magangelyadu magaciisa qarisay, ayaa hadda dib loo dhagaysan doonaa dacwadiisa kaddib markii la soo gabagabeeyay in Sureta Chana, oo ahayd garsooradii ka dambaysay khaladaadkaas, ay muujisay “taxaddar-darro iyo ka-fiirsi la’aan.”

Kiiskan, oo lagu faahfaahiyay diiwaannada maxkamadda, ayaa ah kii ugu dambeeyay ee uu kashifay wargeyska The Telegraph, kaasoo muujinaya xaalado ay muhaajiriin sharci-darro ah ama dembiilayaal ajnabi ah oo xukun lagu riday ay awood ugu heleen inay sii joogaan UK ama ay ku guuleysteen inay joojiyaan tarxiilkooda.

‘Khaladaad tiro badan oo la sheegay’

Codsiga magangelyo-doonka Soomaaliga ah ayaa markii hore waxaa diidday Maxkamadda Darajada Kowaad (First-Tier Tribunal). Wuxuu sheegtay inuu asal ahaan ka soo jeedo Soomaaliya, halkaasoo uu sheegay inuu kala kulmay khatar uga imaanaysay qabiilka Hawiye, oo ka mid ah qabiillada ugu waaweyn dalka.

Wuxuu u sheegay Xafiiska Arrimaha Gudaha (Home Office) inuu si sharci-darro ah ugu noolaa dalka Itoobiya dhowr sano ka hor inta uusan ka tagin sababo la xiriira dhibaatooyin uu kala kulmay qowmiyadda Oromada, oo ah in ka badan saddex-meelood-meel dadka dalkaas.

Saraakiisha Ingiriiska waxay rumaysnaayeen inuu ka yimid Itoobiya, ee uusan ahayn Soomaali, waxaana Maxkamadda Darajada Kowaad ay ku gacan sayrtay codsigiisa iyadoo ku sababaysay inuu xaq u yeelan karay dhalashada Itoobiya.

Wuu racfaan qaatay, waxaana Maxkamadda Darajada Sare (Upper-Tier Tribunal) ay ogaatay inay jireen “khalaadaad farabadan oo xagga farta ah iyo kuwa xaqiiqda ku salaysan” oo ku jiray go’aankii hore, taasoo muujinaysay “in la gudan waayay waajibkii ahaa baaritaanka taxaddarka qoto-dheer leh.”

Ugu horreyn, waxaa jiray tixraaca qabiilka “Hawaii” halkii laga oran lahaa Hawiye. Sidoo kale, waxaa si khaldan loo sheegay in carruurta [magangelyo-doonka] ay ku dhasheen Masar halkii ay ka ahayd Itoobiya. Waxaa intaa dheer, waxaa jiray “tixraac layaab leh oo ku saabsan ‘beer kookaburra’,” halka Maxkamaddii hoose ay si khaldan u xisaabisay “muddadii uu [magangelyo-doonku] deggenaa Itoobiya.”

Go’aanka waxaa lagu sheegay in racfaanka la dhagaystay 1-dii Jannaayo ee sanadkan, taasoo ah maalin aysan fariisan Maxkamadda Darajada Kowaad. Go’aanka waxaa sidoo kale lagu taariikheeyay 28-kii Maarso 2017, dhowr sano ka hor inta aanu ninku xereysan codsiga magangelyada.

‘Taxaddar-darro iyo ka-fiirsi la’aan’

Waxay sidoo kale ogaatay in garsooruhu ay go’aan ka gaartay sharciga dhalashada Itoobiya iyadoo aysan jirin caddeyn muujinaysa inuu xaq u leeyahay inuu qaato dhalashada Itoobiya. Garsooruhu waxay sidoo kale si khaldan u soo xigatay kiis hore waxayna “si qaldan isugu qasaysay cabsida [magangelyo-doonka] uu ka qabay qowmiyadda Oromada ee Itoobiya iyo cabsidiisa uu ka qabay qabiilka Hawiye ee Soomaaliya.”

Garsooraha Maxkamadda Sare, Leonie Hirst, ayaa tiri: “Go’aanka Maxkamadda Darajada Kowaad wuxuu guud ahaan muujinayaa taxaddar-darro iyo ka-fiirsi la’aan, taasoo ay caddaynayaan khaladaadka faraha badan ee xagga farta iyo xaqiiqda ku saabsan ee lagu tilmaamay qoraalka racfaanka [magangelyo-doonka]. Taasi, si kastaba ha ahaatee, ma aha khaladka keliya ee muhiimka ah ee ku jira go’aanka.”

“Arrinta ku saabsan dhalashada [magangelyo-doonka], oo ahayd udub-dhexaadka racfaanka, waxay u muuqataa in garsooruhu ay go’aan iskeed ah ka gaartay sharciga dhalashada Itoobiya iyadoo aysan jirin wax caddeyn ah ama dood ah oo arrintaas ku saabsan.”

“Gunaanadkeedii ahaa in [magangelyo-doonku] uu xaq u leeyahay dhalashada Itoobiya ma ahayn mid ay taageerayaan caddeymaha horyaallay, sababaynteeduna kuma filnayn inay sharraxdo sida ay ku gaartay go’aamadaas.”

- Advertisement -

Read more

Local News