30.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Diyaarad milatari oo ku gubatay garoonka Muqdisho

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa shil diyaaradeed oo goordhow ka dhacay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, kaas oo gaystay waxyeello aad u xooggan.

Shilka ayaa ka dhashay diyaarad milatari oo nooca qumaatiga u kaca ah, taas oo lasoo wariyay inay ku dhacday gudaha garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in diyaaradda uu dab qabsaday, isla markaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Sidoo kale waxaa baraha bulshada si weyn loogu baahiyay muuqaallada uuro qabsatay hawada garoonka, taas oo ka dhalatay dabka ka kacay diyaaradda ku dhacday halkaasi.

Weli faah-faahin rasmi ah lagama helin inta ay gaarsiisan tahay waxyeellada iyo cidda leh diyaaradda Helicopter-ka ah ee saaka ku dhacday garoonka Muqdisho, inkastoo oo warar aan la xaqiijin sheegayaan in howl-galka AUSSOM uu lahaa diyaaradda.

Xaaladda ayaa cakiran, welina ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka garoonka iyo dowladda federaalka oo ku aadan sida ay wax u dhaceen.

Wixii soo kordha kala soco; Caasimada.net

- Advertisement -

Read more

Local News