28.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Somaliland iyo Midowga Yurub oo ka wada-hadlay isku xirka gobolka

Bookmark
Bookmarked

Share

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay wafdi heer sare ah oo ay hoggaaminaysay Wakiilka Midowga Yurub (EU) u qaabilsan arrimaha Geeska Afrika iyo Badda Cas, Ambassador Annette Weber.

Kulankan ayaa ahaa mid diiradda lagu saaray xoojinta is-kaashiga iyo wada-shaqaynta u dhaxaysa Somaliland iyo Midowga Yurub. Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin nabadda gobolka, amniga badda, dimuqraadiyadda, iyo horumar waara. Sidoo kale isku xirka gobolka ayaa diirada lagu saaray kulanka.

Madaxweyne Cirro ayaa Wakiilka gaarka ah iyo wafdigeeda uga mahad-naqay booqashada taariikhiga ah ee ay ku timid Somaliland. Sidoo kale wuxuu ka mahad-naqay taageerada iyo kaalmooyinka horumarineed ee ay Midowga Yurub u fidiyaan Somaliland, gaar ahaan dhinacyada maamulka iyo dhisidda hay’adaha dawliga.

Intii uu socday kulanku, Cirro waxa uu Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub, Amb. Annette Weber u xaqiijiyey sida hagar la’aanta ah ee ay Somaliland uga go’an tahay ilaalinta nabada, xasiloonida iyo nidaamka dimuqraadiga ah ee mandaqadda Geeska Afrika.

“Waxa uu Wakiilka Midowga Yurub u sheegay in ay Xukuumadiisu mudnaanta koowaad siinayso adkaynta nabadda iyo samo-ku-wada noolaanshaha dhammaan ummadda reer Somaliland, isaga oo tilmaamay guulaha wax-ku-oolka ah ee ay xukuumadda cusub ku tallaabsatay muddadii koobnayd ee ay xilka haysay,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyadda Somaliland.

Sidoo kale, Madaxweynuhu waxa uu si cad u tilmaamay doorka amni iyo ka istiraatijiyadeed ee ay Somaliland ku leeyahay sugidda amniga Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, maadaama ay Somaliland tahay dal xuduud ahaan marrin-biyoodkan ku leh xeeb uu dhererkeedu yahay in ka badan 800 oo KM, taasina ay lagama maarmaan ka dhigayso in aan Somaliland indhaha laga lalin karin.

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika iyo Badda Cas ayaa dhankeeda hoggaanka maamulka ku ammaantay samo-talisnimada iyo hoggaamintiisa waayeelnimo, iyadoo Somaliland ku taallo gobol ay ka jiraan colaado iyo xasillooni darro.

“Waxaanu ka wada hadalnay xasilloonida Geeska Afrika, amniga Badda Cas, iyo isku xirka dhaqaale ee gobolka si ay dhammaan uga faa’iidaystaan,” ayay tiri Annette Weber oo qoraal soo dhigtay barteeda X (ex-Twitter).

Sidoo kale waxay Somaliland ku bogaadisay Somaliland nabadda, xasilloonida iyo hannaanka dimuqraadiyadda qaan-gaadhka ah ee ka jirta, iyada oo muujisay sida ay Midowga Yurub diyaarka ugu yihiin in ay Somaliland wax la qabtaan.

Isku soo wada duubo, labada dhinac ayaa isla gartay baahida loo qabo in la sii xoojiyo iskaashi dhab ah oo u dhexeeya labada dhinac iyo aragti wadaag ku aaddan nabad waarta iyo horumar loo dhan yahay oo ka hirgala Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.

- Advertisement -

Read more

Local News