London (Caasimada Online) – Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow oo ka mid ah aqoonyahannada Soomaaliyeed ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada London ee dalka UK, halkaas oo uu ku soo bandhigay buug caan noqday oo si weyn uga dhex iftiimay bulshada Soomaaliyeed.
Buuggan uu soo bandhigay Dr. Baadiyow ayaa magaciisu yahay “Soomaaliya oo Raadineysa Hoggaamiye aan Caadi ahayn”, waxaana xafladdii lagu soo bandhigay ka qaybgalay dad isugu jiray aqoonyahanno, dhalinyaro iyo haween si aad ah u xiisaynayay buugga.
Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa uga mahadceliyay bulshada Soomaaliyeed ee UK ku dhaqan soo dhaweynta diirran ee ay u sameeyeen, isaga oo sheegay in buuggan uu si qoto dheer uga hadlayo xaaladda Soomaaliya iyo taariikhda hoggaamiyeyaashii soo maray dalka tan iyo xornimada.
Buugga oo la magac baxay “Soomaaliya oo Raadineysa Hoggaamiye aan Caadi ahayn” waxa uu si gaar ah diiradda u saarayaa xaaladda siyaasadeed ee dalka 65-kii sano ee la soo dhaafay, isagoo falanqeynaya sababaha horseeday in aan la helin hoggaamiye samatabixin kara, laga bilaabo xukunkii milateriga ee dalka xoogga ku qabsaday 1969-kii, marka laga reebo dowladdii rayidka ahayd ee uu hoggaaminayay C/laahi Ciise Maxamuud iyo Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde).
Mas’uuliyiinta ka qeyb gashay xafladda waxa ka mid ahaa Safiirka Soomaaliya ee UK Amb. Cabdulkadir Haashi, Senator Xasan Xaaji, Aqoonyahan Maxamed Trunji, iyo mas’uuliyiin kale.
Sidoo kale, aqoonyahannadii halkaas ka hadlay ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda buuggan uu leeyahay iyo kaalinta uu Dr. Baadiyow ku leeyahay bulshada aqoonyahannada Soomaaliyeed, iyagoo xusay in uu yahay mid aan dalka ka bixin tan iyo burburkii.
Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow ayaa mar kale hadal ka jeediyay munaasabadda, isagoo xusay muhiimada buuggan iyo baahida ay Soomaalida maanta u qabto hoggaan ka turjumaya rabitaankooda, isagoo sidoo kale ku dhiirrigeliyay in ay Soomaalidu ka horreeyaan dalalka kale ee Geeska Afrika, maadaama ay haystaan aqoonyahanno tayo leh oo tusaale u noqon kara jiilka soo kacaya.

W/Q: Cabdixakiim Elmi Xasan
Nairobi, Kenya
📧 [email protected]
📞 +254-711-830393

