Muqdisho (Caasimada Online) – Fal-celin aan caadi ahayn iyo hadal heyn xooggan ayaa ka dhalatay safar maalmo badan qaatay oo uu dalka kaga maqan yahay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh, kaas oo ay ka dhasheen su’aallo dheeraad ah.
Safarka Madaxweynaha ayaa bilowday 6-dii bishaan, isaga oo aaday dalka Masar, halkaas oo dhiggiisa Cabdalfatax Al-Sisi ay balamo culus ku kala qaateen, kadibna uu ka sii gudbay.
Markii hore Madaxweynaha waxaa dibadda u raacay Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Sirdoonka iyo koox ka tirsan xafiiskiisa, laakiin hadda lama wada socdaan, sida ay ogaatay Caasimada Online.
Dhamaan shaqaalihii Madaxweynaha u raacay safarkaan dibadda ah ayaa dalka dib ugu soo laabtay, waxaana maqan kaligiis, isagoo weli sii wata kulamo qaarkood qarsoodi ah oo xasaasi ah.
Xasan Sheekh oo Masar uga sii gudbay Turkiga, kooxdiisii safarka Qaahira ku reebay, waxaana 11-kii bishaan la soo muujiyey muuqaalkiisii ugu dambeeyey ee kulankii uu Ankara kula yeeshay dhiggiisa Turkiga Erdogan.
Waa safarkii ugu dheeraa ee dibadda u uku qaatay Xasan Sheekh, waxaana la sheegay inuu ka xasaasiyad badan yahay safaradii hore, xaaladda qasan ee gobolka darteed.
Haddaba sidee looga fal-celiyay safarka dheer ee uu galay Madaxweyne Xasan Sheekh?
Qaar kamid ah dadweynaha Soomaaliyeed ee isticmaala baraha bulshada ayaa siyaaba kala duwan uga hadlay safarka Madaxweynaha, waxaana qaarkood ay tilmaameen inuu ku maqan yahay shaqo qaran oo culus, halka kuwa kalena ay tilmaameen inuu jiro caafimaad.
Maadar Bashiir Xasan: “Odeygu qaraab buu noogu maqan yahay ee ilaahey ha usoo fududeeyo”.
Cabdinaasir Cumar Gaab: “Xaalad caafimaad ayuu Madaxweynaha ku maqan yahay”.
Nafisa Muuse: “Ha u baqan waddanka intuu Dalxoreeye joogo”.
Cabdixamiid Maxamed Cali: “War Madaxweyanha Germany ayuu jooga sii check up iskuuga soo sameeyo wax hubsada”.
Idiris Muuse Cabdi: “Malaha Soomaaliya buuqeeda ayuu odaygu ka tegay”.
Cabdullahi Warsame: “Madaxwayne Xasan Sheekh Maxmauud Jarmalka, gaar ahaan Gobolka Bayern ayuu joogaa”.