25.6 C
Mogadishu
Friday, November 7, 2025

Turkey iyo Imaaraadka oo gaaray heshiis xasaasi ah – Muxuu ku saabsan yahay?

Bookmark
Bookmarked

Share

Ankara (Caasimada Online) – Dowladaha Turkiga iyo Imaaraadka Carabta ayaa kala saxiixday heshiis iskaaahi oo toddoba qodob ah, kadib kulan maanta madaxda labada dal ay ku yeesheen Ankara.

Qodobada heshiiska ayaa kala ah:

1. Heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan iskaashi maalgashi oo ka dhexeya Dowladda Turkiga iyo Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, gaar ahaan dalxiiska iyo hoteellada.

2. Heshiis is-afgarad ah oo la xiriira maalgashi wadajir ah oo ku saabsan warshadaha iyo wax-soo-saarka ee u dhexeeya labada dal.

3. Heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan iskaashi maalgashi ee cunnada iyo beeraha.

4. Heshiis is-afgarad ah oo lagu dhisayo guddi wadajir ah oo qunsuliyadeed oo u dhexeeya labada dowladood.

5. Heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan ilaalinta xogaha sirta ah ee labada dal ay is-dhaafsadaan.

6. Heshiis u dhexeeya Xafiiska Maalgashiga iyo Maaliyadda ee Madaxtooyada Turkiga iyo Wasaaradda Maalgashiga ee Imaaraadka oo ku saabsan iskaashi maalgashi oo dhanka daawooyinka ah.

7. Heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan cilmi-baarista iyo horumarinta waxsoo saarka.

Laba dowladood ayaa saamayn iska soo horjeeda ku leh Soomaaliya, Liibiya, Suudaan iyo dalal kale, balse heshiiskaan ayaa quseeya danahooda gaarka ah ee dhanka ganacsiga.

- Advertisement -

Read more

Local News