28.9 C
Mogadishu
Monday, November 17, 2025

Sababta is-beddelka weyn ee ku yimid howl-gallada Mareykanka ee Soomaaliya

By Pearl Matibe
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilaa Jimcaha maanta ah, 18-ka Luulyo, Taliska Ciidanka Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) waxa uu Soomaaliya ka fuliyey 51 duqeymood oo dhinaca cirka ah tan iyo billowgii sanadkan. Duqeymahani waxay qeyb ka yihiin dadaal wadajir ah oo lagu doonayo in lagu burburiyo awoodda hawlgal ee kooxaha Daacishta-Soomaaliya iyo al-Shabaab—labadaas kooxood oo AFRICOM sheegay inay halis toos ah ku hayaan dalka Mareykanka, ciidamada Mareykanka, iyo muwaadiniintiisa dibadda ku sugan.

Duqeyntii ugu dambeysay waxay dhacday 13-kii Luulyo, waxaana lala beegsaday Daacishta-Soomaaliya. Duqeyntan waxay ka dhacday koonfur-bari magaalada Boosaaso ee Puntland, ee waqooyi-bari Soomaaliya, taasoo muujineysa halista joogtada ah ee ay leeyihiin kooxaha xagjirka ah iyo doorka isbeddelaya ee tallaabada milatari ee bartilmaameedsan ee gobolka.

War-saxaafadeed si joogto ah ugu soo noqnoqday hawlgallo badan, ayuu AFRICOM ku qeexay doorkiisa mid ay “ka garab qaadanayaan Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya,” si loo qaado tallaabo wiiqaysa awoodda al-Shabaab iyo Daacishta-Soomaaliya ay u leeyihiin qorsheynta iyo fulinta weerarrada. Ololahan wuxuu sidoo kale ka tarjumayaa madax-bannaanida Soomaaliya; iyadoo duqeymaha Mareykanka la fuliyo mararka qaar iyadoo lala kaashanayo, mararka qaarna codsi ka yimid, iyo marar kaleba iyadoo si wadajir ah loo difaacayo ciidamada qaranka Soomaaliya.

Tirada 51-ka duqeymood waxaa ku jira 28 duqeyn oo si gaar ah loo fuliyey, halka 11 kalena uu AFRICOM ku sifeeyey “isdifaac wadareed,” ugu yaraanna sagaal kalena ay ahaayeen kuwo ku yimid codsiga Soomaaliya—tallaabooyin taageeraya hawlgallada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (SNA). Shan iyo labaatan duqeymood oo lala beegsaday Daacishta-Soomaaliya ayaa la fuliyey iyadoo lala kaashanayo ciidamada qaranka Soomaaliya.

Konton iyo kowda duqeymood, 32 ka mid ah waxay bartilmaameedsadeen Daacishta-Soomaaliya, gaar ahaan gobollada Bari iyo Puntland, halka 19 duqeymoodna lala beegsaday al-Shabaab oo ku sugan badrtamaha iyo koonfurta Soomaaliya, oo ay ku jiraan Shabeellaha Hoose, Jubbada Dhexe, iyo Mudug. Sida duqeymaha loo kala beegsaday waxay ka tarjumaysaa meelaha ay labada kooxoodba ku leeyihiin dhaqdhaqaaq xor ah iyo awood ay isku abaabulaan, iyo halka sirdoonka Soomaalida iyo Mareykanku ay ku ogaadeen nuglaansho istiraatiiji ah.

Khariidad cusub oo la soo ururiyey—oo lagu dhex daray maqaalkan, kuna saleysan sirdoon madax-bannaan oo il-furan (OSINT)—ayaa si juqraafi ah u kala qeexeysa duqeymaha. Waxaa dib u eegis lagu sameeyey 15-kii Luulyo. Khariidaddan ayaa si muuqaal ah ula socota dhaqdhaqaaqa duqeymaha AFRICOM ee gobollada Soomaaliya intii u dhexeysay Jannaayo ilaa Luulyo 2025.

Kororka tirada duqeymaha ayaa ah mid si gaar ah u muuqda. Labaatan duqeymood ayaa dhacay intii u dhexeysay bartamihii Juun iyo bartamihii Luulyo oo keliya, taasoo muujineysa dardargelinta hawlgallada oo la jaanqaadaya is-dhaafsiga sirdoonka oo la xoojiyey iyo xawaaraha hawlgallada.

Xooggan ayaa kusoo beegmaya booqashadii rasmiga ahayd ee Taliyaha AFRICOM, General Michael Langley, uu bishii hore ku tagay Bariga Afrika, halkaas oo uu safar rasmi ah kula joogay Sareeye Guuto Michael Woods oo ah Sarkaal sare oo ka tirsan Ciidanka Badda ee Mareykanka. Waxa uu hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed kula kulmay Muqdisho. Danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, Richard Riley IV, ayaa ku wehliyey General Langley markii uu la kulmayey Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), mas’uuliyiinta difaaca, iyo madaxda amniga ee Hargeysa iyo Berbera.

“Aad ayaan u qiimeyneynaa iskaashiga dhinaca amniga ee aan la leenahay Dawladda Federaalka Soomaaliya annagoo ka wada shaqeyneyna sidii aan isaga caabin lahayn khataraha al-Shabaab iyo Daacishta-Soomaaliya,” ayuu yiri Langley booqashadiisii Juun 2025, halkaas oo kulamo hawlgal iyo diblomaasiyadeedba lagu qabtay deegaanno kala duwan oo Soomaaliya ka tirsan.

Langley waxa uu sidoo kale ku celiyey mowqifkan ku aaddan khatarta xog-warrankiisii 10-kii Juun ee uu ka hor jeediyey Guddiga Adeegga Ciidamada ee Aqalka Wakiillada Mareykanka, kaasoo ka dambeeyey marag-fur uu bishii Abriil ka hor jeediyey Guddiga Adeegga Ciidamada ee Aqalka Sare ee Mareykanka. Labada jeerba, waxa uu uga digay sharci-dejiyeyaasha in ururrada xagjirka ah ee fadhigoodu yahay Afrika ay sii wadaan horumarinta qorshe hawlgal iyo awood ay ku weeraraan danaha Mareykanka ee dibadda.

AFRICOM ma aysan soo sheegin wax khasaare ah oo rayid ah oo ka dhashay duqeymaha Soomaaliya. Duqeymaha waxaa la fahamsan yahay in intooda badan lagu fuliyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee ka hawlgala saldhigyada Mareykanka ee gobolka, inkastoo AFRICOM aysan caadiyan shaacin nooca diyaaradaha ama goobaha ay ka duulaan.

Marka laga eego dhinaca amniga, Soomaaliya waxay ku taal isgoyska qalalaasaha gobolka iyo marinnada muhiimka ah ee badaha adduunka, oo ay ku jiraan Gacanka Cadmeed iyo Badda Cas. Sidaa darteed, ololaha duqeymaha ee AFRICOM iyo Soomaaliya wuxuu u adeegayaa laba ujeeddo oo kala ah xasilinta gudaha iyo mid istiraatiiji ah oo ballaaran, gaar ahaan maadaama labada kooxoodba ay muujiyeen xiisaha ay u qabaan carqaladeynta maraakiibta caalamiga ah iyo ballaarinta saameyntooda hawlgal ee ka baxsan Bariga Afrika.

Dawladda Soomaaliya waxay sii waddaa inay ku adkeysato in taageerada Mareykanka ay tahay mid la soo dhaweynayo oo lagama maarmaan ah, gaar ahaan deegaannada miyiga ah ee ay al-Shabaab iyo Daacishta-Soomaaliya doonayaan inay dib ugu soo rogaal celiyaan. Mas’uuliyiinta amniga ee Soomaaliya ayaa si isdaba-joog ah ugu sifeeyey doorka Mareykanka mid kordhinaya awoodda ciidamadooda.

Iyadoo ololaha cirka uu socdo, saraakiisha Mareykanku waxay ku warramayaan inuusan ahayn hawlgal hal dhinac ah, balse uu yahay heshiis difaac oo labada dhinac isku waafaqeen. In go’aan kasta oo hawlgal ah lagu saleeyo madax-bannaanida Soomaaliya ayaa noqotay astaan lagu garto wejigan uu marayo ololaha AFRICOM.

Pearl Matibe waa falanqeeye juqraafiyeed-siyaasadeed oo fadhigeedu yahay Washington, DC, iyo weriye ku takhasustay siyaasadda arrimaha dibadda iyo amniga caalamiga ah, waxayna si joogto ah uga soo warramaysaa Pentagon-ka iyo Aqalka Cad. Kala soco barta X (Twitter): @PearlMatibe.

- Advertisement -

Read more

Local News