Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay si buuxda u garab taagan tahay shacabka iyo dowladda Suuriya kadib weerarkii Israel ay ku qaaday dalkaasi.
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo lagu muujiyay taageeradan ayaa waxay ku baaqday in la ilaaliyo madax-banaanida iyo midnimada dalka Suuriya.
Dowladda Soomaaliya ayaa soo jeedisay in wada-hadal lagu xaliyo caqabadaha jira iyo dagaallada, iyadoo laga fogaanayo dagaal.
“Soomaaliya waxay u aragtaa in xal kasta oo lagu wajahayo caqabadaha horyaalla dalka Suuriya uu ku saleysnaado is-ixtiraam, wada-hadal, iyo ilaalinta maslaxadda shacabka Suuriya,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya.
Sidoo kale waxaa lagu yiri: “Soomaaliya waxa ay si buuxda u garab taagan tahay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee walaalaha ah ee Suuriya, iyadoo taageereysa madax-bannaanida, midnimada dhuleed, iyo go’aamada siyaasadeed ee qaranka.”
Bayaanka Soomaaliya ayaa imanaya xilli ay Israel weerar duqeymo ku qaaday xarruumaha wasaaradda difaaca iyo meel u dhow madaxtooyada dalkaasi, iyadoo ku doodeysa inay difaceyso bulshooyinka Druze ee gobolka.
Halka uu sidoo kale dagaal u dhaxeeya kooxaha Druze iyo Bedouin oo sababay dhimashada boqolaal iyo dhaawaca kumanaan kale uu ka socdo gobolka Suwayda ee dalkaasi.

