Washington (Caasimada Online) – Madaxweyne Donald Trump ayaa la tacaalaya xanuun la xiriira xididdada dhiigga, sida uu Aqalka Cad shaaciyay Khamiistii, kadib muddo la isla dhex marayay sawirro muujinaya nabar gacantiisa ka muuqda iyo barar lugihiisa ah.
Xoghayaha warfaafinta Karoline Leavitt ayaa sheegtay in Madaxweyne Trump uu galay baaritaanno caafimaad oo dhameystiran, kuwaas oo lagu xaqiijiyay in xaaladdiisu tahay mid aan halis ahayn.
Leavitt waxay tilmaantay in nabarka ka muuqda gacantiisu uu ka dhashay salaanta joogtada ah ee uu la yeesho dadka, isagoo sidoo kalena qaata aspirin — dawo loo adeegsado ka hortagga wadne xanuunka iyo xinjirowga dhiigga.
Trump, oo 79 jir ah, ayaa horey u sheegay in caafimaadkiisu yahay mid aad u wanaagsan, xitaa mar uu isugu yeeray “madaxweynihii ugu caafimaadka badnaa ee abid Mareykanka soo mara.”
Maxay dhakhaatiirtu ka yiraahdeen xanuunka Trump?
Xanuunka xididdada dhiigga ee hadda laga helay Trump waxa uu dhacaa marka xididdadu ay ku guul-darreystaan inay si habsami leh u gudbiyaan dhiigga ilaa wadnaha, taasoo keenta in dhiiggu ku ururo qaybaha hoose ee jirka sida lugaha.
Dr. Meryl Logan oo ka tirsan Jaamacadda Texas ayaa sharaxday in marka xididdadu ay si fiican u shaqeyn waayaan, uu dhiiggu dib ugu laaban karo lugaha taasoo keenta barar.
Dhakhaatiirta ayaa xaqiijiyay in aysan jirin calaamado muujinaya xinjirowga dhiigga ama dhibaatooyin kale oo la xiriira halbowlaha. Warbixin uu soo saaray dhakhtarka Aqalka Cad, Dr. Sean Barbabella, ayaa lagu sheegay in xaaladda Trump ay tahay mid caadi ah, gaar ahaan dadka waayeelka ah ee da’doodu kor u dhaafto 70 sano.
Sawirro laga qaaday Trump intii uu joogay finalka Koobka Adduunka ee kooxaha oo ka dhacay New Jersey 13-kii Luulyo, ayaa muujinayay lugihiisa oo bararsan, halka sawirro kale oo dhowaan la qaadayna ay gacantiisa ka muujiyeen nabarro xilligi uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Bahrain.
Nabarkan ayaa sidoo kale laga arkay markii uu bishii Febraayo la kulmay Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron.
Wararka internetka ku faafay iyo sawirradan isa soo taraya ayaa sababay hadal heyn badan oo ku saabsan caafimaadka madaxweynaha. Si kastaba, warbixintii caafimaad ee sanadlaha ahayd ee uu dhakhtar Barbabella qoray bishii Abriil ayaa lagu sheegay in garashadiisa iyo jirkiisuba ay yihiin kuwo firfircoon oo wanaagsan.
Dr. Matthew Edwards oo madax ka ah qalliinka xididdada ee Jaamacadda Wake Forest ayaa sheegay in inkasta oo xanuunkan laga yaabo in la xiriirin karo xaalado caafimaad oo culus, haddana xaaladda Trump aysan ka mid ahayn kuwa halista ah. Wuxuu sheegay in dad badan oo da’da Trump ah — qiyaastii 10% ilaa 35% — ay la kulmaan xaaladahan oo kale.
Khubarada caafimaadku waxay xuseen in arrintan ay keeni karto fadhiga badan, cayilka, ama haddii qofku leeyahay taariikh xinjiro dhiig ah. Waxaa sidoo kale lagula taliyay dadka la ildaran in ay isticmaalaan sigsaanta caafimaadka ah, lugahoodana kor u qaadaan habeenkii.
Dr. Logan ayaa dhankiisa ku taliyay in bukaanada ay si joogto ah kareem ugu mariyaan lugahooda, isla markaana ay xakameeyaan waxyaabaha kale ee khatarta ah sida miisaanka oo bato.
Dhakhaatiirta ayaa si cad u sheegay in xanuunka xididdada ee haleelay Trump uusan ahayn mid sababay nabarka gacantiisa, iyagoo xaqiijiyay in nabaradaasi ay ka dhasheen gacan qaad salaameed iyo qaadashada aspirin.

