26.4 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Prof. DALXA oo lagu xayiray garoonka Nairobi iyo sababta

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya dalka Kenya ayaa sheegaya in saaka garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta lagu xayiray muddo saddex saacadood Xildhibaan hore Maxamed Cumar Dalxa oo ka tirsanaa baarlamaankii 10-aad ee dalka.

Dalxa ayaa loo beegsaday go’aanno ka dhan ah qadiyadii Badda oo uu soo saaray xiligii uu ka tirsanaa Baarlamaanada Jaamacada Carabta, isla markaana ay is hayeen Soomaaliya iyo Kenya.

Saraakiisha xayiray Dalxa ayaa sidoo kale waxa ay hordhigeen liis xanibaad ah oo uu isagu ku jiro, kaas sirdoonka Kenya ka dhigen garoonka Joma Kenyatta, sidaasna lagu xayiray.

Xildhibaanka ayaa isaga oo sii galaya Nairobi lagu qabtay garoonka, halkaas oo ay saacado ku hayeen ciidamada ammaanka, illaa markii dambe uu yimid safiirka Soomaaliya ee Nairobi.

Danjire Jibriil Cabdulle ayaa lasoo wariyay in si adag uu ula dooday Hey’adda Socdaalka Kenya, isaga oo markii dambe ku guuleystay in uu kasii daayo xildhibaan Dalxa oo loo ogolaaday inuu gudaha uu sii galo Kenya, gaar ahaan magaalada caasimada ah ee Nairobi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Kenya iyo dowladda Soomaaliya oo ku aadan falka lagula kacay xildhibaan hore Dalxa, kaas oo kamid ah siyaasiyiinta muddada dheer usoo shaqeeyay dalka, isaga oo kaalin mugleh ka qaatay dowlad-dhiska Soomaaliya.

Maxamed Cumar Dalxa ayaa sidoo kale ah aqoonyahan aad looga dhex qadariyo bulshadda Soomaaliyeed dhexdeeda, isla markaana ah nin bulsho oo aad ula socda taariikhada dalka iyo marxaladihii lasoo maray, maadaama uu muddo fog kusoo dhex-jiray dowadnimada.

- Advertisement -

Read more

Local News