28.9 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Faransiiska oo ku dhowaaqay aqoonsiga dowlad Falastiin

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa Khamiistii ku dhawaaqay in Faransiisku uu aqoonsan doono dawladda Falastiin, xilli ay sii kordhayso carada caalamiga ah ee ka dhalatay macluusha dadka ku sugan Gaza.

Macron wuxuu qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ku sheegay inuu go’aankan si rasmi ah ugaga dhawaaqi doono fadhiga Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee bisha Sebteembar. “Waxa maanta degdegga ahi waa in la joojiyo dagaalka Gaza, lana badbaadiyo dadka rayidka ah.”

Madaxweynaha Faransiisku wuxuu taageero u muujiyay Israel kadib weerarradii Xamaas ee 7-dii Oktoobar, 2023, wuxuuna si joogto ah uga hadlaa Yuhuud-naceybka, balse wuxuu bilihii la soo dhaafay si isa soo taraysa uga niyad-jabayay dagaalka Israel ka waddo Gaza.

“Marka la eego sida taariikhiga ah ee ay uga go’an tahay nabad caddaalad ah oo waarta oo ka dhalata Bariga Dhexe, waxaan go’aansaday in Faransiisku uu aqoonsado dawladda Falastiin,” ayuu Macron soo qoray. “Nabaddu waa suurtagal.”

Wuxuu sidoo kale soo bandhigay warqad uu go’aankan kaga wargeliyay Madaxweynaha Falastiin, Maxmuud Cabbaas.

Ku-xigeenka madaxweynaha Maamulka Falastiiniyiinta, Hussein al-Sheikh, ayaa soo dhoweeyay qorshaha Faransiiska ee aqoonsiga Dawladda Falastiin, isagoo u mahadceliyay Madaxweyne Emmanuel Macron.

“Go’aankani wuxuu ka tarjumayaa sida ay Faransiisku uga go’an yahay sharciga caalamiga ah iyo taageerada uu u hayo xuquuqda shacabka Falastiin ee aayo-ka-tashiga iyo dhismaha dawladdeenna madaxa-bannaan,” ayuu yiri Sheikh.

Falastiiniyiinta la hadlay wakaaladda wararka ee AFP waxay sheegeen inay rajeynayaan in dalal kale ay hadda ku daydaan tallaabadan.

Ururka Islaamiga ah ee mintidiinta ah ee Xamaas ayaa ku tilmaamay ballanqaadka Faransiiska ee aqoonsiga Dawladda Falastiin “tallaabo wanaagsan,” wuxuuna ku boorriyay dhammaan waddamada inay sidaas oo kale yeelaan inkastoo ay Israel diiddan tahay.

“Waxaan u aragnaa tan tallaabo wanaagsan oo loo qaaday jihada saxda ah ee lagu doonayo in caddaalad loo helo shacabkeenna Falastiiniyiinta ah ee la dulmayo iyo in la taageero xaqa ay u leeyihiin aayo-ka-tashigooda,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Xamaas, ka dib markii Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron uu ku dhawaaqay in Faransiisku si rasmi ah u shaacin doono aqoonsigiisa bisha September.

“Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan waddamada adduunka — gaar ahaan quruumaha Yurub iyo kuwa aan weli aqoonsan Dawladda Falastiin — inay ku daydaan Faransiiska,” ayay raacisay Xamaas.

Dalalka taageersan dawlad Falastiini ah

Faransiiska waa dalka ugu weyn uguna saamaynta badan Yurub ee aqoonsada Falastiin. Sida lagu sheegay tirakoob ay samaysay wakaaladda AFP, ugu yaraan 142 dal oo ka mid ah 193-da dal ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa hadda aqoonsaday ama qorsheynaya inay aqoonsadaan dawlad Falastiini ah, inkastoo Israel iyo Maraykanku ay si adag uga soo horjeedaan aqoonsigaas.

Dalalkaas waxaa ka mid ah inta badan waddamada Bariga Dhexe, Afrika, Laatiin Ameerika iyo Aasiya, laakiin kuma jiraan Maraykanka, Canada, galbeedka Yurub intiisa badan, Australia, Japan iyo Kuuriyada Koonfureed.

Faransiiska waxaa ku nool dadka Yuhuudda ah ee ugu badan Yurub iyo Muslimiinta ugu badan galbeedka Yurub, waxaana dagaallada Bariga Dhexe ay inta badan sababaan dibadbaxyo ama xiisado kale oo ka dhasha Faransiiska.

Madaxweyne ku xigeenka Israel, Yariv Levin, ayaa Khamiistii si adag u cambaareeyay tallaabada Faransiiska ee aqoonsiga Dawladda Falastiin, isagoo ku tilmaamay “mid ceeb ku ah taariikhda Faransiiska iyo kaalmo toos ah oo la siinayo argagixisada.”

Levin, oo sidoo kale ah wasiirka caddaaladda, ayaa sheegay in “go’aanka ceebta ah” ee Faransiisku uu ka dhigan yahay inay hadda “la gaaray xilligii madax-bannaanida Israel lagu fidin lahaa” Daanta Galbeed, oo ay Israel qabsatay tan iyo 1967-kii.

Ra’iisul Wasaaraha Spain, Pedro Sanchez, ayaa soo dhoweeyay go’aanka Faransiiska ee ah inuu ku biiro Spain aqoonsiga Dawladda Falastiin, isagoo sheegay inay “ilaalin doonto” xalka labada dawladood ee khilaafka Israel iyo Falastiin.

“Waa inaan si wadajir ah u ilaalino waxa uu (Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin) Netanyahu isku dayayo inuu burburiyo. Xalka labada dawladood ayaa ah xalka keliya,” ayuu hoggaamiyahan Hantiwadaagga ah, oo si weyn u dhaliila duullaanka Israel ee Gaza, ku qoray bartiisa X.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa toddobaadka soo socda si wada jir ah u martigelinaya shir ka dhacaya Qaramada Midoobay oo ku saabsan xalka labada dawladood. Bishii la soo dhaafay, Macron wuxuu muujiyay “go’aankiisa ah inuu aqoonsado dawladda Falastiin,” wuxuuna riixayay dhaqdhaqaaq ballaaran oo loogu jihaysanayo xalka labada dawladood, kaas oo barbar socda aqoonsiga Israel iyo xaqa ay u leedahay inay is-difaacdo.

Ku dhawaaqista Khamiista ayaa timid wax yar ka dib markii Maraykanku uu soo gebagebeeyey wada-hadalladii xabbad-joojinta Gaza ee ka socday Qatar, isagoo sheegay inaysan Xamaas muujinayn niyad-sami.

Maalmihii la soo dhaafay, waxaa sii kordhayay cadaadiska caalamiga ah ee ka dhanka ah Israel. Horraantii toddobaadkan, Faransiiska iyo in ka badan labaatan dal oo u badan kuwa Yurub ayaa cambaareeyay xayiraadaha Israel ay saartay shixnadaha gargaarka ee galaya dhulkaas iyo dilalka boqollaal Falastiiniyiin ah oo isku dayayay inay cunto helaan.

Falastiiniyiintu waxay doonayaan dawlad madax-bannaan oo ka kooban Daanta Galbeed ee la haysto, Bariga Qudus oo Israel ay ku darsatay dhulkeeda, iyo Gaza, kuwaas oo ah dhulal ay Israel ku qabsatay dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967-kii.

Dawladda Israel iyo inta badan siyaasiyiinteeda ayaa muddo dheer ka soo horjeeday dawladnimo Falastiini ah, waxayna hadda sheegaan inay taasi noqon doonto abaal-marin loo siinayo mintidiinta ka dib weerarkii Xamaas ee 7-dii Oktoobar, 2023.

Israel waxay Bariga Qudus ku darsatay dhulkeeda wax yar ka dib dagaalkii 1967-kii waxayna u aragtaa inay qayb ka tahay caasimaddeeda. Daanta Galbeed, waxay ka dhistay tobannaan deegaanno, oo qaarkood u eg xaafado waaweyn oo fidsan, kuwaas oo hadda ay ku nool yihiin in ka badan 500,000 oo Yuhuud ah oo haysta dhalashada Israel.

Saddexda milyan ee Falastiiniyiin ah ee dhulkaas ku nool waxay ku hoos jiraan maamul militari oo Israel ah, iyadoo Maamulka Falastiiniyiintu uu ku leeyahay is-maamul kooban xarumaha dadku ku badan yahay.

- Advertisement -

Read more

Local News