Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin sanadle ah oo ay soo saartay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ayaa muujisay in dakhliga gudaha ee dalka uu sanadkan 2024 gaaray $369.4 milyan, taasoo ka dhigan koror dhan 12% marka loo eego sanadkii hore ee 2023.
Kobocan ayaa si gaar ah looga dareemay canshuuraha gudaha kadib awaamiir canshuur oo ay soo kordhisay dowladdu, gaar ahaan kuwa dakhliga iyo iibka.
Warbixintu waxay xustay in canshuurta dakhliga ay sare u kacday, iyadoo sanadkan la ururiyay $36.2 milyan, halka sanadkii hore lagu ururiyay $24.4 milyan.
Wasaaraddu waxay sheegtay in kororkan canshuuraha dakhliga uu salka ku hayo dib-u-habeyn lagu sameeyay nidaamka ururinta canshuuraha kirada oo loo beddelay qaab dijitaal ah, iyo ballaarinta saldhigyada canshuuraha taasoo keentay in la diiwaangeliyo canshuur-bixiyeyaal cusub.
Sidoo kale, canshuurta iibka ayaa korortay 13.3%, iyadoo sanadkii hore la ururiyay $41.3 milyan halka sanadkan la gaaray $46.8 milyan. Horumarinta nidaamka dijitaalka ah ee canshuur ururinta ayaa door weyn ka qaatay kobocan.
Dhinaca ganacsiga, warbixintu waxay tilmaantay in ay sare u kaceen dakhliga ka soo xarooda badeecooyinka la dhoofiyo iyo kuwa la soo dhoofiyo. Badeecooyinka dalka loo keenay sanadkii 2024 ayaa gaarey $9.2 bilyan, halka sanadkii ka horreeyay ay ahaayeen $8.2 bilyan.
Badeecooyinka ugu badan ee la soo dejiyay waxaa kamid ahaa raashin, dawooyin, qalabka dhismaha, dhar, shidaal iyo gaas, gaadiid, agab qurxoon iyo qalabka elektarooniga ah.
Sidoo kale, Soomaaliya waxay sanadkan 2024 dhoofisay badeecooyin qiimahoodu yahay ku dhowaad $1.6 bilyan, iyada oo sanadkii 2023 ay dhoofinta gaartay $1 bilyan. Waxyaabaha ugu badan ee la dhoofiyay waxaa ka mid ahaa xoolaha nool, dalagyada beeraha, saliidaha laga sameeyo dhirta, iyo kalluunka.
Warbixintu waxay sidoo kale xustay caqabado saameeyay ganacsiga, oo ay kamid yihiin xiisadaha ka taagan Badda Cas iyo colaadaha Bariga Dhexe, taasoo sababtay dib-u-dhac ku yimid gaadiidka badda, sicir-barar xaddidan, iyo kor u kac ku yimid kharashaadka caymiska, gaar ahaan saameynaya gobollada waqooyi ee dalka.
Ugu dambeyn, Wasaaradda Maaliyadda waxay sheegtay in kororkan 12% ah ee la diiwaangeliyay uu yahay kii ugu sareeyay ee la gaaro tan iyo burburkii dowladdii dhexe, taasoo tilmaamaysa horumar muuqda oo dhanka dhaqaalaha ah.

