28.9 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

Puntland oo eedeyn yaab leh u jeedisay dowladda Xasan kadib xiisadda markabka

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa eedeyntii ugu cuslayd u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, xilli ay kasii dareyso xiisadda u dhaxeysa labada dhinac.

Puntland ayaa dowladda Xasan ku eedeysay inay xiriir hoose la leedahay argagixisada caalamiga ah iyo burcad-badeedda. Eedeyntan culus waxaa warbaahinta soo mariyay Wasiirka Caddaaladda Puntland, Maxamed Cabdiwahaab, oo ka mid ah shakhsiyaadka ugu dhaw Madaxweyne Siciid Deni.

Wasiirka ayaa sheegay in haddii Xasan Sheekh iyo kooxdiisu gacanta ku hayn lahaayeen xeebaha istiraatiijiga ah ee Puntland, ay “noqon lahayd hoyga argagixisada iyo xarunta maafiyada ka ganacsata hubka iyo maandooriyaha adduunka.”

“Bal qiyaas, maxay sameyn lahaayeen kooxda burcad-dowladeed ee qabsatay Villa Somalia, haddii ay gacantooda ku jiri lahaayeen xeebaha istiraatiijiga ah ee Puntland – Gacanka Cadmeed iyo Raasiga Caluula ee Badweynta Hindiya? Shaki kuma jiro in ay meel walba isbaaro dhigan lahaayeen, ama ay burcad-badeed iyo argagixiso caalami ah ka kireyn lahaayeen,” ayuu yiri Wasiir Maxamed Cabdiwahaab.

Mas’uulkan ayaa ku faanay in maamulka Puntland gacanta ku hayo ammaanka 50% xeebta Soomaaliya, taas oo ay si joogto ah u isticmaalaan 97% gaadiidka badda ee u kala goosha dekedaha iyo xeebaha dalka, sida uu sheegay.

“Puntland waxay 35 sano u dambeysay masuul ka ahayd ilaalinta iyo amniga 1,600 KM oo ah xeebaheeda, taas oo u dhiganta 50% xeebaha Soomaaliya, iyadoo leh 35 marsada xeebeed, waxaana mara 30% gaadiidka ganacsiga adduunka, 45% shidaalka caalamka, iyo 80% kalluunka Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Si kastaba, khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Maamulka Puntland, oo markii hore ahaa mid shaqsiyeed, ayaa haatan isu beddelay mid dowladeed. Labada dhinac ayaa midba midka kale u jeedinaya eedeymo aan la socon caddeymo, iyadoo xiisadda uga sii dartay arrinta markabka hubka ah ee ay qabsatay Puntland.

- Advertisement -

Read more

Local News