26.4 C
Mogadishu
Sunday, November 16, 2025

DF oo sheegasho deg-deg ah ka soo saartay dagaalka…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay dagaalka illaa hadda ka socda deegaanka Sabiib iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Dagaalkan oo saaka waaberigii bilowday ayey dowladdu sheegtay in ciidamada ka gaareen “guul wax ku ool ah.”

“Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa saaka si geesinimo leh u fashiliyey weerar naf la caari ah oo ay Khawaarijtu kusoo qaadeen deegaanada Sabiid iyo Caanoole ee gobolka Shabeellaha Hoose,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda warfaafinta Soomaaliya.

Dagaal culus oo ka dhacay duleedka magaalooyinkaasi ayey dowladdu sheegtay in lagu jabiyey kooxdii weerarka soo qaaday.

“Dagaalku weli wuu socdaa, waxaana Khawaarijta la gaarsiiyey khasaare culus, halka firxadkoodana lagu sii baacsanayo duleedka deegaanadaasi,” ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka dowladda kasoo baxay.

Dowladda ayaa sidoo kale sheegtay in maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday qaarkood uu maydadkooda daadsan yahay goobaha uu dagaalku ka socdo.

Dagaalkan saaka ayaa yimid kadib weerarro ay kooxdu ku qaaday saldhigyada ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa howl-galka Midowga Afrika ee AUSSOM, gaar ahaan ciidamada Uganda ee ku yaalla deegaannada Sabiib iyo Caanoole.

Weerarka ayaa ku billowday qaraxyo xooggan oo lagu bartilmaameedsaday saldhigyada ciidamada, taasoo dhalisay dagaal toos ah oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira. Inkasta oo suurtagal ahayn in la helo xog rasmi ah oo ku saabsan tirada khasaare ee ka dhashay iska horimaadka.

Labadan deegaan oo ku yaalla goob muhiim ah oo istiraatiiji ah ayaa dhowaan waxaa dagaal kula wareegay ciidamada dowladda iyo kuwa AUSSOM, waxaana dagaalkii hore ka dhashay khasaare baaxad leh.

- Advertisement -

Read more

Local News