Laascaanood (Caasimada Online) – Warar hordhac ah oo laga helayo shirka lagu dhameystirayo dhismaha maamulka SSC-Khaatumo, oo ka kooban gobollada SSC iyo Maakhir, ayaa muujinaya is-afgarad laga gaaray arrimo muhiim ah sida magaca, calanka, astaanta, iyo nidaamka maamulka.
Maamulka cusub ayaa lagu magacaabi doonaa Woqooyi-bari, magacaas oo la rumeysan yahay inuu astaan u yahay mideynta gobollada Soomaaliyeed ee waqooyiga ee doonaya is-maamul hoosaad ka madax bannaan Somaliland.
Dadka qaar ayaa sheegaya in magaca “Woqooyi-Bari” la doortay ayadoo ah xeelad looga taqalusay ama lagu dilay sheegashooyinkii labada maamul ee Waqooyi [Somaliland] iyo Bari [Puntland] ee muddo isku haystay dhulka Khaatumo iyo Maakhir.
Calanka maamulka Woqooyi-bari ayaa lagu sifeeyay inuu ka kooban yahay buluug leh xiddig cad, oo ay wehliyaan cagaar iyo caddaan u muuqda sidii farasle. Astaanta maamulka ayaa noqon doonta calanka oo ay garbaha ka hayaan laba faras – mid bidixda ah iyo mid midigta ah – taasoo lagu micneeyay astaan u taagan geesinimo iyo dhaqanka Soomaaliyeed.
Waxaa lagu heshiiyay in Laascaanood ay noqoto caasimadda rasmiga ah ee maamulka cusub. Qaab-dhismeedka maamulka ayaa la sheegay inuu ka koobnaan doono:
- Madaxweyne
- Madaxweyne ku-xigeen
- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada
- Laba ku-xigeen oo Baarlamaanka ah
Arrinta muranka dhalisay ayaa ah tirada xildhibaannada la soo magacaabi doono – iyadoo la isla meel dhigay tiro dhan 79 xildhibaan, balse weli ay taagan tahay dood culus oo ku saabsan cida mataleysa, saamiga beelaha, iyo habka loo xulayo.
Gobollada SSC iyo Maakhir waxay muddo dheer ahaayeen goob uu ka taagnaa khilaaf siyaasadeed iyo milatari oo u dhexeeyay Somaliland iyo Puntland.
Dagaallo culus ayaa qarxay 6-dii Febraayo 2023, kaddib markii Laascaanood uu gilgilay kacdoon shacabka ah oo ka dhashay dilal xiriir ah oo loo geysanayey odayaasha deegaanka. Waxay ahayd halkii lagu dhawaaqay maamulka SSC-Khaatumo, iyadoo si cad loogu sheegay inuusan maamulkaasi ka tirsanayn Somaliland ama Puntland, balse uu hoos tagayo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Kadib dagaallo culus oo socday bilooyin badan, oo sababay dhimasho iyo barakac ballaaran, Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay October 2023 si rasmi ah u aqoonsatay SSC-Khaatumo sidii maamul hoosaad ku-meelgaar ah oo hoos taga federaalka.
Waxaa la rumeysan yahay in aqoonsigan uu ahaa mid xagal-daacinaya sheegashada Puntland iyo Somaliland ee gobolka, waxaana Puntland si cad u diiday aqoonsigaas, iyadoo sheegtay in SSC ay ka mid tahay deegaannadeeda.
Bishii April 2025 maamulka SSC-Khaatumo ayaa si buuxda loogu aqoonsaday dowlad goboleed rasmi ah oo ka tirsan Dowladda Federaalka.
In kasta oo aan weli si rasmi ah loo shaacin heshiis dhammeystiran, xogahan hordhaca ah waxay muujinayaan in dhismaha maamulka SSC-Khaatumo uu marayo marxalad cusub oo siyaasadeed. Waxaa la filayaa in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo heshiis kama dambeys ah iyo liiska xubnaha maamulka.

