25.7 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Ciidamada ITOOBIYA oo ku biiray dagaalka Gedo kadibna gubay hubkii yaalay…

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledxaawo (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in haatan ciidamada Itoobiya ay toos ugu biireen dagaalka ka socda gobolkaasi ee u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubaland ee ku wada sugan halkaasi.

Ilo wareedyo xilkas ah ayaa innoo sheegay in ciidamada Itoobiya ay la safteen ciidamada Daraawiishta Jubaland, iyaga oo xalay weeraray xero ciidamada NISA ay ku leeyihiin gudaha degmada Doolow ee gobolka Gedo.

Weerarka ciidamada Itoobiya oo ahaa madaafiic ayaa la sheegay inay ku gubeen saanad ciidan oo ay lahayd Hay’adda NISA, isla markaana taalay gudaha xerada uu dagaalka ka dhacay, taas oo keentay in xaaladda ay kasii darto.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya inay gebi ahaanba Ciidamada Itoobiya ay la wareegeen xerada, gacantana ku dhigeen Taliyihii ciidanka Nabadusgida ee Doolow iyo qaar ka mid ah ilaaladiisa.

Dagaalkan waxaa sidoo kale ka dhashay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac, kadib markii dhinacyada ay is weydaarsadeen rasaas iyo madaafiic.

Waxaa kale oo weerakan ku dhaawacmay saraakiil ciidan oo ku sugnaa goobta, walow aan tirada rasmiga ah la ogeyn.

Dhinaca kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku aadan dagaalka ka dhex qarxay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ku sugan gobolka Gedo.

Dagaalkan oo sii hurinayo xiisadda ka taagan gobolka, ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Taliyaha NISA, Mahad Salaad ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa, halkaas oo ay wada-hadallo kula yeesheen madaxda dalka Itoobiya.

Wada-hadallada ayaa waxaa lagu soo qaaday arrinta Gedo, iyada oo wafdiga Madaxweyne Xasan ay Abiy si gaar ah ugala hadleen qorshahooda ku aadan xaaladda gobolkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News