Beledxaawo (Caasimada Online) – Faah-faahinno kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal mar kale saaka dib uga qarxay degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyo ciidanka dowladda iyo kuwa Jubaland, waxaana dagaalka uu galay maalintii lixaad oo xiriir ah.
Dagaalka ayaa daba socoda iska horimaadyo maalmahaanba labada dhinac ku dhex-marayay magaalada, waxaana haatan la maqlayaa rasaas ay isweydaarsanayaan labada dhinac.
Wararka ayaa sheegaya in haatan dagaalka xooggiisa uu ka socda qaybo kamid ah gudaha magaalada iyo duleedkeeda, gaa ahaan aaga xerada UK oo ay ku sugan yihiin ciidamada uu horkacayo Janan, waxaana lasoo warinayaa in xaaladdu ay tahay mid aad u kacsan.
Sidoo kale ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka haaatan socda, iyada oo ay jiraan madaafiic ku dhaceysa gudaha degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.
Dhinaca kale, dadka deegaanka ayaa isaga barakacay guryahooda, waxaana intooda badan ay gaareen dhinaca magaalada Mandera ee dalka Kenya, si ay uga fogaadaan waxyeelo kasoo gaarta dagaalka ka socda halkaasi.
Dagaalka ka socda Beledxaawo ayaa u muuqdo mid kasii daraya, waxaana dhinacyadu ay shalay bilaabeen inay is duqeeyaan, kadib markii ay isku adeegsadeen madaafiic culus oo dhalisay khasaare dhimasho, dhaawacyo iyo burbur wayn oo gaaray degmada gudaheeda.
Si kastaba, Xiisadda gobolka Gedo ayaa marar badan soo noq-noqotay, waxaana si aad ah xiisaddaan loo dareemaa mar kasta oo la gaaro xilliyada doorashooyinka oo dhinacyadu ay si gaar ah ugu hardamaan kuraasta taalla gobolkaasi, si ay u helaan codka xildhibaannada Gedo.