25.7 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Muhaajiriin ka tegay Geeska Afrika oo ku la’day xeebaha Yemen iyo kuwo la la’yahay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Qaahira (Caasimada Online) — Doonni ayaa Axaddii ku degtay biyaha ka baxsan xeebaha dalka Yemen, waxaana ku dhintay 68 qof oo muhaajiriin Afrikaan ah, halka 74 kalena la la’ yahay, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan socdaalka.

Musiibadan ayaa noqonaysa tii ugu dambaysay ee silsilado shilal doonyo ah oo ka dhacay xeebaha Yemen, kuwaas oo ay ku dhinteen boqollaal muhaajiriin Afrikaan ah oo ka soo cararaya colaado iyo saboolnimo, iyagoo rajeynaya inay gaaraan wadamada Khaliijka ee hodanka ah.

Doonta oo ay saarnaayeen 154 muhaajiriin Itoobiyaan ah, ayaa subaxnimadii Axadda ku degtay Gacanka Cadmeed ee ka soo horjeeda gobolka Abyan ee koonfurta Yemen, sida uu wakaaladda wararka ee Associated Press u sheegay Abdusattor Esoev, madaxa Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM) ee Yemen.

Wuxuu intaas ku daray in meydadka 54 muhaajiriin ah ay ku soo caariyeen degmada Khanfar, halka 14 kale meydkooda laga helay lana geeyay qolka meydadka ee isbitaal ku yaalla Zinjibar, caasimadda gobolka Abyan ee ku teedsan xeebta koonfureed ee Yemen.

Shilkaas waxaa ka badbaaday 12 muhaajiriin oo kaliya, inta kalena waa la la’ yahay waxaana loo badinayaa inay dhinteen, sida uu sheegay Esoev.

War-saxaafadeed ay soo saareen, ayay taliska amniga ee gobolka Abyan ku sheegeen inay wadaan hawlgal ballaaran oo baadigoob iyo samatabixin ah, marka la eego tirada badan ee muhaajiriinta dhimatay iyo kuwa la la’ yahay. Waxaa kale oo lagu xusay in meydad badan laga helay iyagoo ku kala firirsan aag ballaaran oo xeebta ah.

In kasta oo dalka Yemen uu ka socdo dagaal sokeeye oo muddo ka badan toban sano soo jiray, haddana waa marin muhiim u ah muhaajiriinta ka imaanaya Bariga Afrika iyo Geeska Afrika ee isku dayaya inay shaqo u doontaan wadamada Khaliijka.

Muhaajiriinta waxaa qaada dadka wax tahriibiya, kuwaas oo saara doonyo inta badan halis ah oo dadku ku badan yahay, iyagoo uga gudbinaya Badda Cas ama Gacanka Cadmeed.

Boqollaal muhaajiriin ah ayaa ku dhintay ama ku la’aa shilal doonyo oo ka dhacay xeebaha Yemen bilihii la soo dhaafay. Bishii Maarso, laba muhaajiriin ah ayaa dhintay, 186 kalena waa la waayay kaddib markii afar doonyood ay ku degeen meel u dhow xeebaha Yemen iyo Jabuuti, sida ay sheegtay hay’adda IOM.

In ka badan 60,000 oo muhaajiriin ah ayaa yimid dalka Yemen sannadkii 2024, taasoo ka hoosaysa 97,200 oo timid sannadkii 2023. Hoos u dhacan ayaa loo aanaynayaa kormeerka oo lagu kordhiyay biyaha, sida lagu sheegay warbixin ay IOM soo saartay bishii Maarso.

- Advertisement -

Read more

Local News