25.4 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Puntland oo dowlada Turkey ku wareejisay markabkii hubka

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Maamulka Puntland ayaa ugu dambeyn maanta sii daayay markabkii hubka siday, iyadoo markabka iyo shixnadii saarnayd ku wareejisay dowladda Turkiga.

Wareejinta markabka MV Sea World ayaa looga dhawaaqay kulan goordhoweyd dhexmaray Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi ka socday dowladda Turkiga oo uu hoggaaminayo Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Alper Aktaş.

Safarka wafdiga dowladda Turkiga ayaa daba socday xiriir muddo u dhexeeyey Puntland iyo Turkiga oo la xariira Markabka MV Sea World iyo shixnadda saaran.

Wafdiga Turkida ayaa maamulka Puntland la wadaagay cadeymo dhameystiran oo muujinaya in ay leeyihiin dhammaan hantida saaran markabka hubka ee dhawaan u gacan galay maamulka.

“Dowladda Puntland oo ka duulaysa cadeymaha ay soo gudbisay dowladda Turkiga iyo baaritaankii lagu sameeyay markabka iyo shixnada uu sido ayaa go’aansatay in masuuliyada Markabka MV Sea World iyo hantida saaranba lagu wareejiyo Dowladda Turkiga,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Madaxtooyadda Puntland.

Puntland ayaa muddooyinkii dambe baaris ku haysay markabkan, oo dowladda federaalka Soomaaliya ay sheegtay inuu u rarnaa xerada TÜRKSOM iyo ganacsato Soomaaliyeed.

Si kastaba, sii-deynta markabkan ayaa ku timid dadaal diblumaasiyadeed heer sare ah oo Imaaraadka u sameeyay Turkiga, maadaama uu si weyn ugu dhow yahay Saciid Deni, taas oo ugu dambeyntiina keentay in markabka iyo hubka uu siday lagu wareejiyo Turkida.

Markabka oo wada shixnado hub ah oo aad u culus ayaa doodihiisu socdeen todobaadkii ugu dambeeyey kadib markii uu maamulka Puntland shaki ka muujiyay sax ahaanshaha cidda uu u rarnaa, taas oo haatan meesha ka baxday.

- Advertisement -

Read more

Local News