Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumadda DanQaran ee uu hoggaamiyo Ra’iisul wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa si la yaab leh uga hadashay guuxa mooshinka ay wadaan xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo doonayo inay xilka looga qaado Ra’iisul wasaaraha.
Wasiirka Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo kamid ah xubnaha aadka ugu dhow Ra’iisul wasaare Xamza ayaa shaaciyay in 4 qof oo kaliya ay waddo buuqa, isla markaana aysan wax culeys ah u arkeyn mooshinka.
Sidoo kale wuxuu ugu baaqay xubnaha ku howlan inay keenaan baarlamaanka, ayna iska daayaan buuqa ay ka wadaan baraha bulshada ee Internet-ka.
“Xukuumada Dan-Qaran 4 qof buuqooda mid ku baxeyso ma ahanee hadaad wax heysaan Golaha Shacabka BJFS maad keentaan? Maxaa Facebook iyo Twitter (X) kala doonteen buuqiina, aleen baraha Bulshada mooshin lama keene?” ayuu yiri wasiir Jaamac.
Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa arrintan la xiriiriyay dhanka mucaaradka, isaga oo tilmaamay inay haysato tabar la’aan siyaasadeed, sida uu hadalka u dhigay.
“Qaylada ka socoto baraha Bulshada Shacabkaa ku filan iney ka jawaabaan, anaga waa u iftiimineynaa keliya, sababtuna waa tabar la’aan Mucaaradka heysato hadey tabar haayaan fagaaraha Baarlamaanka ayey la sugi lahaayeen. Dan-Qaran Shacabkaa iska leh” ayuu sii raaciyay.
Sida uu horay u sheegay Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyar) mooshinka lagu ridayo xukuumadda Xamza ayaa haatan lagu diyaarinayaa magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, waxaana uu tilmaamay in ay saxiixeen xildhibaano gaaraya ilaa 120 mudane.
Sanyare ayaa sidoo kale sheegay in 23-ka bishaan oo ku beegan maalin Sabti ah ay qorsheeyeen in mooshinkaas la keeno kulanka baarlamaanka, si kalsoonida loogala noqdo Ra’iisul Wasaare Xamse iyo xukuumadiisa.
“Mooshinka kalsooni kala-noqoshada Xukuumada Xamse Cabdi Bare, ee lakeeni doono maalinta sabtida ah 23 Augast insha allaah, waxaa saxiixay xildhibaabano gaaraya 120 mudane, wali waxaa naga dhiman 20 mudane, xildhibaankii raba inuu cibaadaysto aniga ha ilasoo xiriro,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiladiif Muuse Nuur (Sanyare) oo waqooyiga Gaalkacyo laga soo doorto.
Si kastaba, Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre, ayaa noqday ra’iisul wasaarihii ugu xilka dheeraa, markii dib loo eego taariikhda intii ay xafiiska joogeen Ra’iisul Wasaarayaashii Soomaaliya soo maray, taasina waxaa sabab u ah kalsoonida uu Madaxweyne Xasan Sheekh u qabo Ra’iisul Wasaarihiisa.