27.9 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Ciidankl dowladda oo howl-gal burburin ah ka billaabay xaafadda Suuqa Xoolaha

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa saaka howlgal kale oo oo burburin ah ka bilaabay qaybo kamid ah xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Heliwaa, halkaas oo aroortii hore ay ku jarmaadeen gaadiidka waawayn ee Cagaf-cagafta.

Wararka ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe ciidamo la dul-dhigay shacabka deggan dhulka warshaddii dhiiigga ee Suuqa Xoolaha, iyaga oo gabi ahaan la hakiyay dhaq-dhaqaaqa, kadibna saaka bilaabay howlo burburin ah, maadaama dhulkaas uu yahay dhul dowladeed.

Goobjooge la hadlay warbaahinta ayaa xaqiijiyay in haatan uu socda howlgalka, ciidankuna ay wadaan burburinta xaafadda, iyada oo la xiray dhammaan waddooyinka gala halkaasi.

“Ciidanka dowladda ayaa duduminaayo marka hadda dadka alaabada ayay la baxayaan, meesha ganacsiyo ayaa ku yiilay sidoo kale dad shacab ah ayaa daganaa, maadaama dhul dowlo tahay waxaa la yiri dadka ka guura oo amar ayaa soo baxay” ayuu yiri goobjooguhu.

Sioo kale wuxuu intaasi kusii daray in haatan shacabka ay raranayaan alaabtooda, isla markaana ka guurayaan dhismaha goobta uu howlgalku ka socdo.

Xaaladda goobta ayaa haatan ah mid aad u kacsan, waxaana Suuqa Xoolaha lagu arkayaa gaadiidka dagaalka iyo ciidamada dowladda ee burburinta ka wada xaafaddaasi.

Isbuucii hore ayay ahayd markii sidaan oo kale cagta loo mariyay dhulka xaafadda Siinaay ee degmada Wardheegley, halkaas oo ay la wareegtay dowladda Soomaaliya, iyada oo laga raracay shacab iyo ganacsato daganaa suuqa Siinaay ee magaalada Muqdisho.

Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Muqdisho ka taagnaa dood ka dhalatay barakicinta dadka deggan dhulalka danta-guud, iyadoo inta badan ay la wareegtay dowladda dhexe.

- Advertisement -

Read more

Local News