24.9 C
Mogadishu
Wednesday, August 13, 2025

Taliye sare oo ka tirsan Jubaland oo la xaqiijiyay in uu ku dhintay dagaalka Gedo

Bookmark
Bookmarked

Share

Beledxaawo (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa dagaal xooggan oo maanta ciidamada Jubbaland iyo kuwa Dowladda Federaalka ku dhexmaray duleedka magaalada Beledxaawo.

Dagaalkan ayaa ka dhacay saldhig ciidan oo ku yaalla Tuulada Amiin ee gobolka Gedo, oo ku taalla dhanka xuduudda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya.

Dagaalka ayaa sababay geerida Korneyl Xuseen Giif, oo ahaa taliyaha booliska Jubbaland ee gobolka Gedo, sida ay xaqiijiyeen ilo amni oo kala duwan. Maamulka Jubbaland ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dhimashadiisa.

Sidoo kale, waxaa la soo warinayaa in askar ka tirsan Jubbaland ay ku dhinteen, halka kuwa kalena ay ku dhaawacmeen weerarka. Weerarkan oo u muuqday mid si gaar ah loo qorsheeyay ayaa waxaa fuliyay ciidamada Dowladda Federaalka ee uu hoggaaminayo Cabdirashiid Janan.

Ciidamadan ayaa la wareegay hub iyo gaadiid dagaal oo yaallay saldhigga, iyagoo soo bandhigay askar ay nolosha ku qabteen. Weerarkan ayaa muujinaya sida ay uga sii dareyso xiisadda ka taagan gobolka Gedo, iyadoo labada dhinac ee halkaasi isku hayay uu mid walba doonayo gacan ku haynta gobolka.

Jubbaland ayaa dhankeeda, waxay weli ku adkeysaneysaa sheegashada madax-bannaanida maamulka gobolka Gedo, xilli Dowladda Federaalka ay ka biyo diiday dib-u-doorashadii Axmed Madoobe.

Labada dhinac ayaa khilaafkoodii siyaasadeed u rogay mid toos ah, kaasi oo uu saldhig u noqday gobolkaasi.

Si kastaba, ma jiro wax war ah oo illaa hadda kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ku saabsan dagaalka maanta, waxaana la filayaa in dowladdu ay faahfaahin dheeraad ka bixiso saacadaha soo socda.

- Advertisement -

Read more

Local News