25.7 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Xoghayihii gaarka ahaa ee Jeneraal Caydiid oo jawaab ka bixiyey wareysigii Bariise

By Prof. Maxamuud Cabdi Cilmi
Bookmark
Bookmarked

Share

Waxaan dhageystay wareysi uu bixiyay Wariye Bariise, oo uu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin ururkii USC, Jeneraal Caydiid, iyo faragelintii Soomaaliya ee ciidamadii shisheeye ee uu hoggaaminayey Mareykanku. Runtii, dhammaan waxa uu sheegay waxaa ku jiray been aan Alle (SW) lagala xishoon.

Taariikhda falsafadda, filoosofyo badan ayaa ku eedeeyay aabihii falsafadda Giriigga, Socrates (399 BC) – macallinkii Plato (428 BC) – iyo Plato oo isna macallin u ahaa Aristotle (384 BC) – inuu diiday inuu wax qoro si uu uga tago cilmigiisa oo qoran. Socrates wuxuu ku dooday in haddii uu buug qoro, qof aan aqoon lahayn uu akhrisan doono, si khalad ahna u fahmi doono, dabadeedna fahamka qaldan dadka ugu faafin doono, isaga oo aan buuggu awoodin inuu yiraahdo: “War, sidaas iima fahmin.” Sidaas darteed, wuxuu ku casuumi jiray qof kasta oo dood cilmiyeed qaba in lagu doodo fagaaraha Akadeemiyadda.

Bulshada maanta ku nool Age of Information and Technology waxay ogyihiin in internetku keenay laba arrimood oo waaweyn:

  1. Fursad xor ah oo qofku kusoo bandhigi karo fikradihiisa iyo dareenkiisa.
  2. Xorriyad fowdo ah oo qofka u saamaxaysa inuu hadlo waxa uu doono, xitaa haddii ay tahay been cad.

Waxaan aad u riyaaqay sida aqoonta, xaqiiqda, iyo xushmadda leh ee Prof. Ingiriis ugu jawaabay Wariye Bariise. Jawaabtiisu waxay ahayd mid cilmi ah, xaqiiqo ku dhisan (academically and objectively). Qofkan loo necebtahay, wax looma necbo xaqiiqo sheeggiisa awgeed. Been-abuurkuna waa ceeb, gaar ahaan haddii aad isku sheegto qof waxgarad ah.

Aniga oo ah xoghayihii gaarka ahaa iyo kaaliyaha Jeneraal Caydiid, waxaan qoray ilaa sideed buug, oo ka mid yahay The Battle of Mogadishu (ama Dagaalka Ranjariiska). Jeneraal Caydiid wuxuu igu sharfay in qoraal aan aniga iyo Dr. Axmed Moallim Muqtaar ku soo bandhignay joornaalka The Weekly Review ee Kenya uu ku soo daro buuggiisa Mohamed Farah Hassan and His Vision for Somalia.

Waxaa xaqiiqo ah in Prof. Ingiriis si waafi ah ugu jawaabay Bariise, halka Bariise uu ka faa’iideystay xorriyadda fowdada ah ee internetka, taas oo aan ugu magacdaray Democratic Anarchism. Qodobada Prof. Ingiriis uu ku naqdiyay Bariise waa kuwo qof kasta oo xaqiiqo raadinaya uu si sahal ah u hubin karo, maadaama uu daliil ahaan u soo bandhigay buugag, qoraallo, iyo taariikh sax ah.

Prof. Maxamuud Cabdi Cilmi – Xoghayihii gaarka ahaa iyo kaaliyihii Jeneraal Maxamed Faarax Caydiid

- Advertisement -

Read more

Local News