25.4 C
Mogadishu
Thursday, October 23, 2025

Sawirro: Xubno kas goostay maleeshiyada Al-Shabaab oo isku soo dhiibay NISA

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaba (Caasimada Online) – Ciidanka Nabad-sugidda ee ka howl-gala deegaanada dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigay xubno ka soo goostay kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo iska soo dhiibay magaalada Baydhaba.

Kooxda isa soo dhiibtay oo ka kooban illaa 4 xubnood, kana soo goostay Khawaarijta ayaa lagu soo bandhigay xarunta Taliska Hey’adda Nabad-sugidda ee magaaladaasi, waxaana la shaaciyay sawirradooda.

Sida ay sheegtay hay’adda, raggaan isa soo dhiibay maanta ayaa kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaayeen wax ay ugu yeeraan Jabhadaha iyo Dabagalka, dhammaantoodna waa wada dhalinyaro, sida laga dheehan karo muuqaalka iyo sawirrada ay baahisay NISA

“Dhamaan isasoo dhiibayaashan oo ka tirsanaA qeybta jabhada khawaariijta ayaa isku soo dhiibey NISA kadib markey dhibaatada khawaarijta ay ku hayaan  shacabka iyo dagaalada lagu afjaraayo khawaariijta ay usoo dulqaadan waayeen” ayaa lagu yiri qoraalka NISA.

Waxaa kale oo lasii raaciyay “Xubnahan isasoo dhiibey ayaa dowlada iyo shacabka ka codsadeen in la cafiyo si ay ula midoobaan bulshada”.

Qaar kamid ah ragga isa soo dhiibay oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay u adkeysan waayeen xaaladda adag ee ay wajahayaan ee ka dhalatay howl-gallada culus ee ay wadaan ciidamada xoogga dalka, kuwa dadka deegaanka iyo saaxibada caalamiga ah.

Sidoo kale waxay sheegeen inay uga soo baxeen kooxda Al-Shabaab dhibaato ay sheegeen inay ku hayaan shacabka Soomaaliyeed, sida ay sheegeen wareysiyada laga qaaday.

Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana mararka qaar falal argagixiso ay ka fulisaa deegaanada maamulkaasi, inkastoo haatan deegaanada qaar laga fuliyay howlgallo lagu cuuryaamiyey maleeshiyaadka Al-Shabaab.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka scoda gulufka ka dhanka ah kooxaha argagixsada, kaas oo uu ujeedkiisu yahay in gebi ahaan looga xoreeyo dalka oo dhan.

- Advertisement -

Read more

Local News