PUNTLAND oo shaqada ka joojisay hay’ad la shaqeysa Dowladda Soomaaliya

Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Xukuumadda Puntland ayaa joojisay dhammaan shaqooyinkii ay gudaha maamulka ka waday hay’adda Horn of Africa Consultants Firm (HACOF), oo ka howl gasha qaar ka mid ah dalalka Geeska Afrika.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii ay soo baxeen cabashooyin laga keenay habka shaqada ee hay’adda gudaha Puntland, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay Wasaaradda Qorshaynta.

Cabashooyinkan waxaa soo gudbiyay Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha Puntland iyo Duqa degmada Carmo, kuwaasoo tilmaamay in howlihii HACOF ay u baahan yihiin dib u eegis iyo hakad ku meel gaar ah.

Wasaaradda Qorshaynta ayaa intaa ku dartay in HACOF ay ku xadgudubtay shuruucda ururada NGO-yada Puntland, islamarkaana ay sameysay ururin xog aan sharciga waafaqsaneyn, taasoo jabinaysa xeerarka tirakoobka Puntland.

Si loo xaqiijiyo eedeymahan, Hantidhawrka Guud ee Puntland ayaa laga dalbaday inuu sameeyo baaritaan dhameystiran oo ku saabsan hawlihii iyo habdhaqankii hay’adda.

HACOF ayaa hore gudaha Puntland uga fulisay shaqooyin ay matalaysay Dowladda Federaalka iyo hay’adda WFP, gaar ahaan ururinta xogta dadkii ka faa’iidaystay mashruucii Baxnaano.

Go’aanka Puntland ayaa imanaya xilli ay kasii dareyso xiisadda siyaasadeed ee kala dhaxeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, kadib markii ay Muqdisho si buuxda u taageertay SSC oo dhashay maamulka cusub Waqooyi Bari Soomaaliya.

- Advertisement -

Read more

Local News