Xog: Safarka Xasan Sheekh uu ku tegayo Dhuusomareeb oo ka kooban afar qorshe

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa isku diyaarinaya safar uu ku tagi doono magaalada Dhuusamareeb, xarunta dowlad-goboleedka Galmudug.

Magaalada ayaa haatan looga diyaar-garoobayaa soo dhaweynta wafdiga madaxweynaha, iyadoo qorshuhu yahay in uu yimaado Isniinta ama Talaadada, haddii aan wax isbeddel ah ku imaan jadwalka socdaalka. Safarka madaxweynaha ayaa lagu sheegay mid ku saabsan dardargelinta hawlgalka ka dhanka ah Al Shabaab, arrimaha doorashooyinka iyo kormeerka mashaariicda horumarineed ee halkaasi laga fulinayo.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa in uu xarigga ka jaro xarumo cusub oo laga hirgeliyay magaalada, sida xarunta baarlamaanka Galmudug. Sidoo kale, waxa uu kormeeri doonaa mashaariicda kale ee horumarineed ee socda, oo ay ku jiraan dhismaha waddooyinka iyo garoonka diyaaradaha.

Madaxweynaha oo riixaya dardargelinta hawlgalka dib-u-xoreynta dalka ayaa dadka deegaanka kala hadli doona doorkooda kaga aaddan la dagaallanka Al Shabaab. Saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in madaxweynuhu doonayo in dib loo soo nooleeyo iskaashiga ciidamada iyo shacabka, si dadka reer Galmudug ay ugaalin muuqata uga qaataan dagaalka Shabaab.

Ma cadda in Madaxweyne Xasan Sheekh uu booqan doono jiidda hore, balse qorshihiisa ayaa qeyb ka ah inuu kormeero xarunta taliska qaybta 21-aad ee ciidanka xoogga dalka ee Dhuusamareeb.

Inta uu ku sugan yahay magaalada, madaxweynaha ayaa kulamo gooni-gooni ah la yeelan doona madaxda Galmudug, bulshada qeybaheeda kala duwan oo ay ku jiraan odayaasha iyo waxgaradka deegaanka, iyo sidoo kale saraakiisha milatariga, si uu uga dhageysto aragtidooda iyo taageeradooda ku aaddan hawlgalka socda.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaan weli la ogeyn in uu Dhuusamareeb ka dhigan doono saldhig uu kala socdo hawlgalka la qorsheynayo in Al Shabaab lagaga saaro gobollada dhexe.

Xusuus ahaan, bartamihii sanadkii 2023 ayuu madaxweynuhu saldhig ka sameystay magaalada Dhuusamareeb, markaas oo ciidamadu ay wadeen guluf ballaaran oo ka dhan ah Al Shabaab ee Galmudug iyo Hirshabelle.

Ciidamada ayaa daba-yaaqadii 2022 iyo sanadkii 2023 ku guuleystay in ay Shabaab ka saaraan inta badan deegaanada labada maamul, hase yeeshee hakad ku yimid hawlgallada ayaa keenay in Shabaabku dib u qabsadaan dhul badan oo laga saaray.

Safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Galmudug ayaa imanaya toddobaadyo ka dib, markii kooxda Al Shabaab ay qabsadeen degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan, oo ah marin muhiim ah oo isku xira deegaanada Hirshabelle iyo Galmudug.

- Advertisement -

Read more

Local News