Guddoomiye Muungaab iyo mucaaradka oo ay ka dhex-tafatay – Maxay isku hayaan?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyada oo haatan ay sii laba kacleyneyso xiisadda siyaasadeed ee ka taagan dalka ayaa haddane arrintu waxa ay si gaar ah uga dhex-tafatay guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) iyo siyaasiyiinta mucaaradka ee la magac baxay Madasha Samatabixinta.

Muungaab oo khudbad xasaasi ah jeediyay ayaa jawaab culus siiyay xubnaha mucaaradka, isaga oo tilmaamay in wax laga xumaado ay yihiin erayada kasoo yeerayo ee hanjabaadda u badan, wuxuuna taasi beddalkeeda kula taliyay inay u diyaar garoobaan qof iyo cod.

“Siyaasi u yaal ma gudbe ah ayaa dhahay qof iyo qoray, fikirna ma haayo haddii la dhaho dalka maxaa u fiican? aniga 5 bil kadib inaan tartamaan diyaar u ahay waxaan qabtayna miiskaan soo saaraa” ayuu yiri duqa magaalada Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Beryahaan waxaa jiro oo idaacadaha taagan siyaasiyiin iyagu fikirkooda iyo fahamkooda dowladnimada uusan gaarsiisaneyn isteejka ay dawlad dhiska Soomaaliya maanta soo gaartay”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, xilli maalmihii u dambeeyay xubnaha mucaaradka, gaar ahaan Madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ay jeedinayeen hadallo adag oo ka dhan ah madaxda dowlada federaalka iyagoo ka digay hannaanka ay wax ku waddo Villa Somalia.

Haddaba sidee looga fal-celiyay dagaalka siyaasadeed ee Muungaab iyo mucaaradka?

Cabdullahi Fiidow: “Muunkoow ma macallinkaaga Sheekha ah ayaa u jawaabee? Wlhi waa yaab”.

Xasan Xareed Diini: “Warkaagu waa dhuuso geel oo kale ur iyo caraf midna maleh”.

Nasteexo Nuur: “Ar joog aan ku ceshto Cabdiraxmaan Cabdishakuur xikmad kuma dhamidee yuu buug dhan kaa diyaarin”.

Dr. Salaad Sujuud: “Nadaafad iyo gole deegaan waaye waxa lagaa sugayo”

Bilkheyr: “Qof iyo qoray waa gadaal gadaal haloo socdo qori iyo qabiil waatan dunida horumartay naga reebay”.

Xasan Daacad: “15 May aa sugeeynaa sida uu xaalka noqdo”.

Maxamed Cabdinuur: “Isma dhaanto iyo dhasheed waayey waxa dowlad isku sheega ah dhammaantood”.

- Advertisement -

Read more

Local News