Ciidamada PUNTLAND oo deegaanno muhiim ah kala wareegay kooxda Daacish

Bookmark
Bookmarked

Share

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ee weli howlgallada ka wada aagga buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ayaa maanta deegaanno muhiim ah ka saaray maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab ee ku dhuumaaleysanaya buuraha hoostooda.

Qoraal kasoo baxay Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in howlgal culus oo ay qaadeen ciidamada lagu xoreeyay degaannada Dhaban-qooxle, Cas-caso, Ceelka Dul&Darayle iyo Ceelka Gambarre oo dhammaantood ku teedsan tagga weyn ee Baallade.

Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in weli ciidamadu ay sii baacsanayaan firxadka maleeshiyaadka kooxda Daacish, ujeedkana uu yahay in laga saaro dhulkaasi.

โ€Guutada 1-aad ee Ciidamada Difaaca Puntland oo gulufyo jiho walba ah kaga jira Buuraha Calmiskaad ayaa hawlgallo qorshaysan ka fuliyey Dhaban-qooxle, Cas-caso, Ceelka Dul iyo Darayle iyo Ceelka Gambarre, kuwaasi oo ku teedsan tog weynaha Baallade.โ€ ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Taliska Hawlgalka Ciribtirka Argagixisada ee Ciidamada Puntland.

Howlgalka ayaa haatan galay wajigiisa 4-aad, waana cir iyo dhul, iyada oo Puntland ay ka sheegatay guullo waawayn oo wax ku ool ah.

โ€œWejiga 4-aad ee Hawlgalka Hilaac oo lagu ciribtirayo firxadka Daacish ayaa si quwad iyo xawli ah kusocda, iyadoo laga fulinaayo Dhul, Cir iyo Badba, waxaana laga-gaaray intii uu socdey natiijo wanaagsanโ€ ayaa mar kale lagu yiri warsaxaafadeedka.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waa weyn ee ka qayb-qaadanaya dagaalka Puntland ee ka dhanka ah kooxda Daacish, si looga saaro dhulka buuraleyda ah ee Bari, wuxuuna dhanka hawada ka taageeraa ciidamada Puntland ee dagaalka ka wada halkaas.

Waxaa sidoo kale dagaalkan ku jira Isu Tegga Imaaraadka, oo isna duqeymo ku taageeraya ciidamada Puntland ee sii koraya buuraha ay ku dhuumaaleysanayaan xubnaha Daacish.

- Advertisement -

Read more

Local News