Xudur (Caasimada Online) – Waxaa marba marka ka dambeysa sii kordhaya tirada dhalinyarada kasoo baxsaneysa kooxda Al-Shabaab, sababo la xiriira culeyska haatan soo wajahay kooxda, kadib markii lasii kordhiyay dagaalka tooska ah iyo duqeymaha lagu hayo.
Tirada ugu badneyd ayaa isa soo dhiibay maalmihii lasoo dhaafay, waxaana ugu dambeeyay 4 dhalinyaro ah oo maanta isku soo dhiibay ciidamada Nabadsugidda ee ka howlgala magaalada Xudur ee xarunta gobolka Bakool e koonfurta Soomaaliya.
Sida ay sheegtay hayโadda NISA, ragga isa soo dhiibay ayaa waxa ay kooxda Al-Shabaab u qaabilsanaayeen waxa ay ugu yeeraan Jabhadaha iyo Dabagalka, dhammaantoodna waa wada dhalinyaro, sida laga dheehan karo muuqaalka iyo sawirrada ay baahisay NISA
Dhammaan isa soo dhiibayaashaan ayaa waxay sheegeen inay u dulqaadan waayeen oo ay ku adkaatay nolosha adag ee Khaawaarijta ย iyo weerarrada ay kala kulmayaan Ciidamada Qaranka, isla markaana ay goโaansadeen in bulshadooda ay dib ugu soo laabtaan.
Dhalinyaradan ayaa waxaa soo dhaweeyay saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan Xudur, waxaana la marsiin doonaa habraaca isa soo dhiibayaasha maleeshiyada Shabaab.
Maalin kahor ayay ahayd markii sidaan oo kale afar xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab lagu soo bandhigay Baydhaba, kuwaas oo isku soo dhiibay ciidamada, waxayna sheegeen inay isaga soo tageen kooxda, markii ay ku dhex dhibaatoodeen.
Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana mararka qaar falal argagixiso ay ka fulisaa deegaanada maamulkaasi, inkastoo haatan deegaanada qaar laga fuliyay howlgallo lagu cuuryaamiyey maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Si kastaba, Soomaaliya ayaa waxaa haatan ka scoda gulufka ka dhanka ah kooxaha argagixsada, kaas oo uu ujeedkiisu yahay in gebi ahaan looga xoreeyo dalka oo dhan.