Mareykanka oo $10 milyan Soomaaliya kaga raadinaya…

Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Online) – Dowladda Mareynkanka ayaa maanta soo saartay go’aan culus oo ka dhan ah kooxda Daacish ee Soomaaliya, waxayna ku dhowaaqay abaal-marin lacageed oo gaareysa ilaa $10 milyan oo la siin doono qofkii soo sheega macluumaad la xiriira dhaqdhaqaaqyada maaliyadeed ee kooxdan argagixisada ah, si loo cuuryaamiyo.

Sida lagu sheegay warbixin gaar ah lagu daabacay bogga waaxda caddaaladda Maraykanka ee wasaaraddda Arrimaha Dibadda tallaabadan ayaa looga golleeyahay in looga hortago saameynta kooxda ee gobolka, oo loo arko in ay haysato dhaqaale aad u fara badan.

Sidoo kale waxaa warbixinta lagu sheegau in Daacshista Soomaaliya tahay il dhaqaale oo weyn oo quudisa shabakadaha kale e ururkaasi, loona baahan yahay in la beegsado oo la cuuryaamiyo awoodda kooxdan oo fariisimo ku leh dhulka buuraleyda ah ee gobolka Bari.

Warbixintaan waxay sidoo kale xustay in Daacish ay lacag ka hesho dhaq-dhaqaaqa lacagaha sharci-darrada ah, tahriibka hubka, afduub iyo lacagaha madax-furashada.

Kooxda ayaa sidoo kale adeegsata habab kale oo ay ku hesho dakhli, sida ku qasbida dadka deegaanka, ganacsatada, iyo beeralayda, iyada oo ka qaata lacago canshuuro ah.

Dowladda Mareykanka ayaa sidoo kale kooxda ku eedeysay in ay ku lug leedahay falal burcad-badeednimo iyo kalluumaysi sharci-darro ah oo ka dhaca xeebaha Soomaaiya, sida lagu sheegay lagu daabacay bogga waaxda caddaaladda ee wasaaraddda Arrimaha Mareykanka

Dadweynaha loogu baaqay in ay soo sheegaan wixii macluumaad ah ee la xiriira howlaha Daacishta-Soomaaliya, iyada oo qofkii soo gubiyo xog rasmi ah lasiin doono $10-ka milyan.

โ€œQofkii bixiya macluumaad qiimo leh waxaa la siin doonaa abaal-marin lacageed iyo fursado dib-u-dejinโ€ ayaa lagu yiri warbixinta.

Mareykanka ayaa kamid ah dowladaha waawayn ee ka qayb-qaata dagaalka ka dhanka ah kooxda Daacish, wuxuuna duqeymo culus ka fuliyaa gobolka Bari oo ay haatan ka socdaan howlgallo ay ciidamada Puntlan ka wadaan aagga buuraha Calmiskaad ee gobolkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News