27.9 C
Mogadishu
Wednesday, August 20, 2025

Safiirkii hore ee Mareykanka oo ka digay in Washington ay aqoonsato Somaliland

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Washington (Caasimada Onkline) — Danjirihii hore ee Mareykanka ee Soomaaliya, Larry André, ayaa Washington ka codsaday in si taxaddar leh dib-u-eegis loogu sameeyo xaaladda Somaliland, isaga oo ka digay in aqoonsi hal-dhinac ah oo la siiyo maamulkaasi uu carqalad gelin karo xasilloonida Geeska Afrika.

Baaqiisa ayaa ku soo beegmay iyada oo uu soo cusboonaaday cadaadiska ka imanaya qaar ka mid ah sharci-dajiyeyaasha Jamhuuriga, oo uu ku jiro Senator Ted Cruz, kuwaas oo Maraykanka ku boorrinaya inuu aqoonsado Somaliland, oo ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya sanadkii 1991, balse aan wali helin wax aqoonsi caalami ah.

Qoraal faahfaahsan oo uu ka diyaariyay siyaasadda, André — oo soo noqday danjiraha Mareykanka ee Muqdisho intii u dhaxaysay 2022 iyo 2023 — ayaa ku dooday in dib-u-eegis kasta oo ay Maraykanka ku samaynayaan siyaasaddaasi ay noqoto mid taxaddar leh, wadatashi ah, oo ku salaysan xaqiiqooyinka ka jira gobolka.

Wuxuu qoray, “Dadka Mareykanka si toos ah uma dareemi doonaan xasillooni darro kale oo ka dhalata Geeska Afrika oo ay sababto tallaabooyin hal-dhinac ah oo aan la isku waafaqsanayn. Balse, dadka gobolkan dhibbanayaasha ah ayaa xanuun badan dareemi doona.”

Wuxuu sheegay in danaha Washington ay ugu adeegto si wanaagsan in la hormariyo xasilloonida iyo horumarka Geeska, halkaasoo ay ka jirto dhaq-dhaqaaq qabiil oo ka gudba xuduudaha kala duwan ee Jabuuti, Kenya, iyo Itoobiya. Wuxuu ka digay in tallaabooyin kasta oo carqalad geliya dheelitirnaantan ay kicin karaan falcelinno xooggan.

Saddex ikhtiyaar oo u furan Mareykanka

André wuxuu tilmaamay saddex waddo oo suurtagal ah oo ay mari karto siyaasadda Mareykanka: in la joogteeyo xaaladda hadda jirta, in xafiis xiriir diblomaasiyadeed laga furo caasimadda Somaliland ee Hargeysa, ama in si buuxda loo aqoonsado Somaliland. Wuxuu si cad u diiday doorashada saddexaad isaga oo ku tilmaamay mid carqalad gelinaysa isla markaana wax u dhimaysa xiriirka ay la leeyihiin Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.

Beddelkeeda, wuxuu taageeray waddo dhex-dhexaad ah: in la ballaariyo joogitaanka Mareykanka ee Hargeysa isla markaana Muqdisho iyo Hargeysa lagu boorriyo inay dib u bilaabaan wada-hadallada. Wuxuu xusay in hoggaanka Soomaaliya uu joojiyay qaab-dhismeedka iskaashiga ee la gaaray 2020, balse la soo nooleyn karo.

André wuxuu ku adkeeyay in doodaha ku saabsan xaaladda Somaliland ay inta badan jahwareeriyaan waxyaabo qalloocan. Wuxuu iftiimiyay dhawr xaqiiqo oo uu sheegay in ay tahay in masuuliyiinta siyaasadda ay tixgeliyaan:

  • Beesha Isaaq ee Somaliland, oo ka kooban ku dhowaad laba-meelood meel dadka, ayaa si weyn u taageerta madax-bannaanida, halka bulshooyin badan oo aan Isaaq ahayn ay jecelyihiin ismaamul qeyb ka ah federaalka Soomaaliya.
  • Maamulka Hargeysa ayaa caburiyey meelaha taageersan midnimada sida Laascaanood, waxaana sharci darro ah in taageero loo muujiyo midnimada Soomaaliya gudaha Somaliland.
  • In kasta oo ay jirto xasillooni iyo maamul xooggan oo Somaliland ay kaga wanaagsan tahay koonfurta Soomaaliya, haddana deegaankaas wuxuu si dadban uga faa’iideystaa dadaallada caalamiga ah ee lagu xakameynayo al-Shabaab.
  • Tusaalooyinka aqoonsiga ee Afrika, sida Eritrea iyo Koonfurta Suudaan, waxay yimaadeen oo keliya ka dib heshiisyo ay la galeen dawladihii waalidka ahaa iyo oggolaanshaha Midowga Afrika.

André wuxuu qoray, “Xaaladda Somaliland waxay u qalantaa dood furan oo dhex marta Somaliland, guud ahaan Soomaaliya, iyo gobolka,” isaga oo intaa ku daray in mabda’a hagaya uu noqdo “ha waxyeellayn”.

Danjirihii hore ayaa sheegay in Washington ay la tashato ciyaartoyda gobolka — oo ay ku jiraan Kenya, Itoobiya, Jabuuti, iyo Midowga Afrika — iyo sidoo kale la-hawlgalayaasha caalamiga ah sida Turkiga, Midowga Yurub (EU), iyo dalalka Khaliijka ka hor inta aysan beddelin mowqifkeeda.

Wuxuu soo jeediyay habab hal-abuur leh, isagoo tusaale u soo qaatay noocyada kala duwan ee federaalka ee UK, UAE, Tanzania, iyo Canada, oo uu sheegay inay dhiirigelin u noqon karaan maamulka Soomaaliya.

Washington oo ku celisay siyaasaddeeda

Faragelintiisa waxay ku soo beegantay caddayn ka timid Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo Isniintii sheegtay in siyaasadda Mareykanka ee ku wajahan Soomaaliya aysan isbeddelin.

Ilo wareed ku xeel-dheer mowqifka waaxda ayaa u sheegay Semafor in xaaladda Somaliland lagu sameeyo dib-u-eegis xilli-xilli ah, balse Mareykanka uu sii wado inuu taageero midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Hadalkan ayaa yimid ka dib markii Senator Cruz uu ku baaqay aqoonsiga Somaliland, isaga oo ku tilmaamay “lamaane muhiim u ah dhinacyada ammaanka iyo diblomaasiyadda” Washington, isla markaana ku eedeeyay Beijing inay Hargeysa ciqaabayso taageerada ay u muujisay Taiwan.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sidoo kale abuuray tuhun markii uu yiri maamulkiisa “wuxuu ka shaqaynayay” arrinta Somaliland, isagoo ka jawaabayay su’aal ku saabsan in dadka reer Gaza loo rari karo deegaankaas haddii aqoonsi la siiyo.

Shiinaha ayaa ku tilmaamay hadalka Cruz “weerarro aan sal lahayn,” isaga oo ku eedeeyay siyaasiyiinta Mareykanka inay faragelin ku hayaan arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

Taageerayaasha Somaliland waxay ku doodaan in aqoonsiga uu abaal marin u noqon doono xasilloonida iyo maamulka dimoqraadiyadeed ee ka jira. Deegaankaas wuxuu qabtay doorashadiisii lixaad sannadkii hore, taas oo awoodda ku keentay hoggaamiyihii mucaaradka ee Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi Cirro.

Balse André wuxuu ku adkeystay in degdegga aqoonsiga uu ka soo horjeesan doono dadka reer Somaliland ee taageersan midnimada, uu wiiqi doono siyaasadda jilicsan ee Soomaaliya, isla markaana uu halis gelin doono kicinta xasillooni darro baahsan.

Wuxuu qoray, “Soo nooleynta qaranimada Soomaaliya waxay u baahan tahay xallinta arrimaha maamulka, gaar ahaan xaaladda Somaliland, iyo xoraynta dhulka oo dhan ee ay haystaan kooxaha argagixisada ah.” Wuxuu intaa ku daray, “Kuwani waa hadafyo adag balse la gaari karo.”

- Advertisement -

Read more

Local News