24.3 C
Mogadishu
Thursday, August 21, 2025

Xog: Walaac xooggan oo markabkii hubka la xiriirinaya Somaliland oo soo baxay

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Markabka MV Sea World ayaa ku xirtay dekadda Jabuuti, kadib markii uu ka leexday Muqdisho oo qorshuhu ahaa inuu ku xirto dekedda caasimadda, kadib markii sida la sheegay uu ka cabsaday badda oo kacsan.

Markabkan oo saanad milatari sida ayaa dhaliyay walaac xooggan oo ku saabsan qorshaha ka dambeeya ku leexashadiisa Jabuuti. Qaar ka mid ah siyaasiyiinta Somaliland oo la hadlay Caasimada Online ayaa muujiyay walaac ah in hubkaas loo adeegsado khalkhal-gelinta amniga Somaliland.

Dhawaan, Safiirka Turkiga ayaa Muqdisho ku qaabilay Suldaan Wabar, oo hore Somaliland uga sameeyay jabhad kasoo horjeeda, isla markaana taabacsan maamulka dibad-wareegga ah ee Awdal State.

Kulankaas waxaa ka horreeyay mid uu Suldaanku la yeeshay Axmed Macallin Fiqi, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya. Somaliland ayaa Dowladda Turkiga ku eedeysay faragelin iyo falal xasillooni-darro abuuraya.

Fiqi oo bartiisa X (ex-Twitter) ku baahiyay sawir uu kula jiro Suldaan Wabar, ayaa si cad u sheegay in la gaaray waqtigii Awdal ka go’i lahayd Somaliland.

“Waqtigii Awdal ayaa la gaaray,” ayuu Fiqi ku yiri qoraalka.

Hadalkan ayaa loo fasiray in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay qorshaynayso in ay abuuraan kala fogaansho u dhexeeya reer Awdal iyo Somaliland, si halkaasi uga hanaqaado maamulka dibad-wareegga ah ee Awdal State.

Walaaca Somaliland ayaa sii kordhay kadib markii markabka hubka sida ee kusii jeeday Muqdisho loo leexiyay dhanka Jabuuti, oo xuduud dhuleed la leh gobollada galbeedka Somaliland – halkaas oo Dowladda Soomaaliya rabto in laga hirgeliyo maamulka Awdal State, kadib markii ay hore ugu guuleysatay dhismaha maamulka cusub ee Waqooyi Bari.

Hubka markabka saaran oo u rarnaa Turkiga ayaa laga cabsi qabaa in qaybtiisa dhanka dhulka laga soo geliyo Somaliland, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka oo inoo xaqiijiyay inay si dhow ula socdaan xaaladdan.

Caasimada Online illaa hadda si madax-bannaan uma xaqiijin karto in hubkaas qaybtiisa looga dan leeyahay in dhanka dhulka laga geliyo Somaliland. Warar qaar ayaa sheegaya in ku xirashada markabkan ee dekedda Jabuuti ay timid kadib markii uu la kulmay xaalad adag oo badeed, toddobaadyo un kadib markii uu sii daayay maamulka Puntland.

Si kastaba, waxaa isa soo taraya walaaca arrintan la xiriira, sida ay sheegeen siyaasiyiinta Somaliland. Maamulka Somaliland ayaa muddooyinkii dambe eedeymo culus oo khalkhal-gelin amni ah u jeedinayay Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo iyadu kaalin weyn ka qaadatay dhismaha maamulka Waqooyi Bari.

- Advertisement -

Read more

Local News