24.1 C
Mogadishu
Thursday, August 21, 2025

Dagaalka Xasan Shekeh iyo Madoobe oo laga faa’iideystay

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Kismaayo (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan saraakiil iyo khubaro ku xeel-dheer arrimaha amniga, khilaafka siyaasadeed ee sii murgaya ee u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul-goboleedka Jubaland wuxuu abuurayaa firaaq amni oo halis ah, oo u saamaxday ururka Al-Shabaab inay dib u soo rogaal celiyaan, waxayna ku qasabtay tobannaan kun oo qof oo rayid ah inay guryahooda ka cararaan.

Sannado badan oo iskahorimaadyo sokeeye ah kadib, Soomaaliya waxay noqotay dal federaal ah oo ka kooban shan maamul-goboleed Puntland, Jubaland, Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed, waxaana dhowaan ku biiray Waqooyi Bari. Maamulladan ayaa inta badan xiriir is-jiidjiid ah la leh dowladda dhexe ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Hase yeeshee, iyadoo la wajahayo doorashooyinka sannadka soo socda, dowladda federaalku waxay xoojisay isku daygeeda ah inay gacanta ku dhigto maamul-goboleedyada. Tallaabadan ayaa, sida ay sheegeen falanqeeyayaasha amniga, abuurtay firaaq amni oo ay Al-Shabaab uga faa’iideysan karaan inay ku fidaan.

Toddobaadkii hore, ugu yaraan laba askari oo ka tirsan ciidanka Soomaaliya ayaa ku geeriyooday dagaal dhexmaray ciidamada daacadda u ah dowladda iyo kuwa taabacsan maamulka Jubaland. Dagaalkan ayaa yimid maalmo kaddib markii labada dhinacba ay abaabul ciidan ka wadeen deegaanka. Bishii Luuliyo ee la soo dhaafay, shan askari oo kale ayaa ku dhintay iska horimaadyo la mid ah.

Soomaaliya waxay la-dagaallan adag kula jirtay Al-Shabaab tan iyo bartamihii 2000-meeyadii, waxaana loollankaas uu soo maray heerar kala duwan oo guulo iyo guuldarrooyin leh. Sannadkan, ururkan xiriirka la leh Al-Qaacida ayaa dib ula wareegay gacan ku haynta magaalooyin muhiim ah.

“Markii diiradda laga weeciyay la-dagaallanka Al-Shabaab ee loo wareejiyay loollanka siyaasadeed, waxaa billowday inaan aragno khasaarooyin iyo dib-u-dhac dhanka furimaha dagaalka ah,” ayay tiri Samira Gaid, oo ah falanqeeye ku takhasustay arrimaha amniga Geeska Afrika, oo u warramaysay wakaaladda wararka ee AFP.

Sida ay sheegtay Gaid, ururku wuxuu hardanka awoodeed ee jira uga faa’iideysanayaa sidii “olole uu ku soo xero-geliyo dagaalyahanno cusub”.

“Runtii, dhacdooyinkan oo kale dani uguma jirto cidna,” ayay raacisay.

Falanqeeyayaashu waxay isku raacsan yihiin in dagaalladan dhimashada dhaliyay ay hoosta ka xariiqeen itaaldarrida dowladda federaalka Soomaaliya.

“Ma jirin heshiis siyaasadeed oo dhameystiran xilligii la dhisayay dowladda federaalka Soomaaliya sannadkii 2012. Taasi waa sababta keentay hardanka iyo xiisadda joogtada ah ee ka dhex aloosan nidaamka federaalka,” waxaa yiri Omar Mahmood, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan Ururka Xasaradaha Caalamiga (International Crisis Group).

Loolanka Jubaland iyo DF

Maamulka Jubaland wuxuu xiriirka u jaray dowladda dhexe sannadkii hore, kaddib markii hoggaamiyihiisa Axmed Madoobe, oo ahaa hoggaamiye kooxeed hore oo talada hayay ilaa 2012, loo doortay xilka madaxtinimada mar saddexaad. Dowladda dhexe ayaa doorashadaas ku tilmaantay mid “sharci-darro ah”.

Waxaa sidoo kale la soo saaray amar soo qabasho ah oo ka dhan ah Madoobe, oo fadhigiisu yahay magaalada Kismaayo oo ah caasimadda ku-meel-gaarka ah ee maamulka.

“Sababta ay xiisaddani hadda u soo laba kacleysay waa iyadoo lagu sii dhowaanayo xilliga doorashada,” ayuu yiri Mahmood.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa waday qorshe ah in dalka ay ka dhacdo doorashadii ugu horreysay ee qof-iyo-cod ah sannadka soo socda, tallaabadaas oo uu si weyn uga soo horjeedo Axmed Madoobe.

Gobolka Gedo ee Jubaland, oo ay iska-hor-imaadyadii u dambeeyay ka dhaceen, ayaa u muuqda inuu muhiimad istiraatiiji ah u leeyahay dowladda dhexe.

Sida uu sheegay Mahmood, Madoobe iyo Xasan “laba dhinacba waxay doonayaan inay si buuxda u maamulaan Gedo, si ay taasi uga caawiso inay saameyn ku yeeshaan geeddi-socodka doorashada”.

Bishii la soo dhaafay, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan), oo horay u ahaa wasiirka amniga ee maamulka Madoobe, u magacaabay madaxa hawlgallada amniga ee Jubaland.

Janan, oo loo arko shakhsi miisaan culus ku leh siyaasadda gobolka Gedo, ayaa horay warbixinno kasoo baxay Qaramada Midoobay waxay ku eedeeyeen inuu ku kacay xadgudubyo waaweyn oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

Iska-hor-imaadyadii toddobaadkii hore kaddib, wuxuu ku dhawaaqay inuu la wareegay magaalada xuduudeed ee istiraatiijiga ah ee Beled Xaawo, isagoo sheegay in gobolka loo dhisi doono maamul cusub.

Colaaddan ayaa dhibaato ba’an ku yeelatay dadka rayidka ah. Sida lagu sheegay xog rasmi ah, tan iyo bishii Juun, rabshadaha ka dhacay gobolka Gedo waxay sababeen in 38,000 oo qof ay ku barakacaan gudaha dalka, halka 10,200 oo kalena ay u qaxeen dalka deriska ah ee Kenya.

Saameynta qabiilka

Sida gobollada kale ee Soomaaliya, siyaasadda ku dhisan qabiilka ayaa door weyn ka ciyaarta Jubaland.

“Qabiilka degaanka Gedo waligiis siyaasad ahaan lama jaanqaadin hoggaanka Axmed Madoobe,” ayay tiri Samira Gaid, oo intaas ku dartay in beesha deegaanka ugu badan ay dareemayso in la garab maray.

Dowladda dhexe waxay u aragtaa in kala qaybsanaantan ay u noqon karto waddo ay xilka kaga tuurto Madoobe. Hase yeeshee, mucaaradka Madoobe ayaa iyaguna dhex-dooda isku khilaafsan, dowladda federaalkuna kama haysato taageero mideysan.

Maxamed Jimcaale, oo ah oday dhaqameed ka soo jeeda Jubaland, ayaa aaminsan in isku dayga Muqdisho uu fashilmi doono.

“Waxaan maqlaynaa in dowladda federaalku ay doonayso inay Gedo ka soocdo dhulka intiisa kale ee Jubaland, si ay halkaas uga dhisto maamul iyada daacad u ah. Qorshahaasi ma shaqeyn doono,” ayuu yiri.

- Advertisement -

Read more

Local News