25.4 C
Mogadishu
Thursday, August 21, 2025

Imaaraadka oo ku lug leh qorshe hagardaamo ah oo ka dhan ah shacabka Gaza

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Istaraatiijiyadda ee Israel, Ron Dermer, ayaa dhawaan safar qarsoodi ah ku tagay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta, isagoo hoggaaminaya wafdi heer sare ah, si ay ugala hadlaan xasuuqa ka socda Marinka Gaza, sida ay sheegtay Warbaahinta Israel ee KAN.

Booqashadan ayaa waxaa qayb ka ahaa kulamo lala yeeshay mas’uuliyiin Imaaraati ah, kuwaas oo looga hadlay arrimo xasaasi ah oo ay ka mid yihiin xasuuqa ay Israel ka waddo Gaza, walaacyada dhinaca amniga, iyo xaaladda xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya Israel iyo Imaaraadka.

Warbaahinta KAN ayaa sheegtay in xafiiska Dermer uu ka gaabsaday inuu faahfaahin ka bixiyo safarkaas. Dhawaan, Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Mohammed bin Zayed, ayaa magaalada Abu Dhabi kula kulmay hoggaamiyaha mucaaradka Israel, Yair Lapid, tallaabadaas oo la sheegay inay xiisad ka dhex abuurtay Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, kaas oo aan weli si shaacsan u booqan Imaaraadka tan iyo markii la saxiixay heshiisyadii caadiyaynta xiriirka.

Dhawaanahan, wakaaladda wararka ee Reuters, oo soo xiganaysa ilo xog-ogaal ah, ayaa ku warrantay in Imaaraadku uu wada-hadallo kula jiro Israel iyo Maraykanka oo ku saabsan suurta-galnimada ka qayb-qaadashada maamul ku-meel-gaar ah oo loo dhiso Marinka Gaza kadib dagaalka hadda socda, ilaa uu maamulka la wareegayo maamul Falastiini ah oo dib-u-habayn lagu sameeyay.

Diblomaasiyiin reer galbeed ah ayaa daaha ka rogay in wada-hadalladan sirta ah, oo ay faahfaahisay wakaaladda Reuters, ay ku lug yeelan karaan Imaaraadka, Maraykanka, iyo dalal kale oo si ku-meel-gaar ah u kormeeraya maamulka, amniga, iyo dadaallada dib-u-dhiska ee Gaza marka ay ciidamada Israel ka baxaan.

Si kastaba ha ahaatee, inkastoo Imaaraadku uu dhaleeceeyay tallaabooyinka Israel iyo hadallada Netanyahu, haddana Tel Aviv waxay weli doonaysaa in Imaaraadku uu ka qayb-qaato maareynta Gaza ee xilliga dagaalka kaddib, sida ay sheegeen labo sarkaal oo hore oo Israeli ah.

Israel iyo Imaaraadku waxay isku aragti ka yihiin la-dagaallanka Ururka Muqaawamada Falastiin (Xamaas), oo uu Maraykanku u aqoonsan yahay urur argagixiso. Imaaraadku wuxuu u arkaa Xamaas iyo kooxaha kale ee Islaamiga ah ee la midka ah inay yihiin kuwo qalalaase ka wada gobolka.

- Advertisement -

Read more

Local News