Muqdisho (Caasimada Online) – Faahfaahin dheeraad ah ayaa kasoo baxaysa qarax miino oo maanta ka dhacay deegaanka Jabad Geelle oo hoostaga Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa lala eegtay gaari ay saarnaayeen odayaal caan ah, wuxuuna dhacay xilli gaarigu marayay mid ka mid ah waddooyinka deegaanka, waxaana la sheegay in miinada lagu aasay hareeraha waddada.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in gaariga qarxay ay la socdeen odayaal dhul cabbirayaal ah, kuwaas oo ku mashquulsanaa arrimo la xiriira cabbirka dhulal ku yaalla halkaasi.
Qaraxa ayaa sababay burbur xooggan oo gaaray gaariga, iyadoo dadkii ku dhaawacmayna si deg-deg ah loola cararay xarumaha caafimaadka ee magaalada Muqdisho.
Wararka la xaqiijiyay waxay tilmaamayaan in laba ka mid ah odayaasha, oo lagu kala magacaabo Cali Kadawe iyo Maxamed Cumar ay ku dhinteen qaraxa. Sidoo kale askari la socday odayaasha ayaa dhaawac culus oo dhabarka ah soo gaaray, waxaana haatan xaaladdiisa lagula tacaalaya isbitaallada caasimadda.
Markii qaraxu dhacay kadib, ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya iyo Nabad-sugidda ayaa gaaray goobta, iyagoo sameeyay howl-gallo baaris. Hase yeeshee, ilaa hadda lagama shaacin wax natiijo ah oo kasoo baxay howl-galkaas.
Qaraxan ayaa imanaya xilli muddooyinkii dambe ay yaraadeen qaraxyada miinooyinka ee lagu aaso hareeraha waddooyinka, balse dhacdadan cusub ayaa cabsi iyo walaac ku abuurtay dadka deegaanka, iyadoo aysan weli cid si rasmi ah u sheegan masuuliyadda weerarka.