Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa shaaciyay inuu taageero ku biirinayo dadaalka madax kala duwan oo doonaya in Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, lagu abaalmariyo billadda caalamiga ah ee nabadda.
Cirro ayaa sheegay in Trump uu noqday hoggaamiyihii ugu horreeyay ee si cad u muujiyey inuu tixgelinayo arrimaha Somaliland, taas oo uu tilmaamay in madaxdii ka horreysay aysan qaadan dhiirranaan la mid ah.
“Anigu fursad kale oo aan wax badan ku qabto ma haysto, balse waxaan ku go’aansaday in codkayga ku daro si uu u noqdo musharax u taagan abaalmarinta Nobel Peace Prize,” ayuu yiri Madaxweynaha Somaliland.
Dhankiisa, Trump oo dhawaan ka hadlay arrimaha Somaliland ayaa sheegay “inuu hawshaas ku guda jiro” isla markaana uu hoos u eegayo.
Madaxweynaha Maraykanka ayaa si cad u muujiyay damaciisa ku aaddan helitaanka Nobel Peace Prize, isagoo si weyn uga mahadceliyay cid kasta oo ku garab istaagta himiladiisa.
Trump waxa uu ku dooday inuu yahay qof xaq u leh abaalmarinta, isaga oo tusaale u soo qaatay heshiisyo nabadeed oo uu sheegay inuu ka dhex-dhexaadiyay Bariga Dhexe, sida xallinta dagaalkii 12-ka cisho socday ee Iran iyo Israa’iil iyo dejinta xiisaddii u dhexeysay Hindiya iyo Pakistan.
“Heshiisyadaas taariikhiga ah cid kale ma qaban lahayn. Haddii qof kale sidaas sameeyo, durba Nobel Peace Prize waa la siin lahaa, laakiin sababtoo ah anigu waxaan ahay Trump, ma i siinayaan,” ayuu Trump ku nuux-nuuxsaday.
Hadallada Trump iyo taageerada Cirro ayaa loo arkaa qayb ka mid ah ololaha siyaasadeed ee ay Somaliland iyo qaar ka mid ah saaxiibbadeeda Maraykanku ku wadaan sidii loo xaqiijin lahaa aqoonsi buuxa iyo taageero caalami ah.