24.7 C
Mogadishu
Friday, August 29, 2025

Ciidamada dowladda oo la wareegay saddex deegaan oo muhiim ah

Bookmark
Bookmarked

Share

Afgooye (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in maanta ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ay la wareegeen deegaanno muhiim ah oo ku yaalla gobolkaasi, kuwaas oo ay ugu sugnaayeen Al-Shabaab

Ciidamada oo maanta qaaday howlgal guuleystay ayaa gudaha u galay deegaannada kal ah Baladul Amiin, Cumar Beere, Macalinka iyo Balow oo ka wada tirsan Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan ayaa waxaa si gaar ah u fuliyay Ururka 192-aad ee Guutada 19-aad ee Kumaandooska Gorgor, waxayna ciidamadu ay si buuxda ula wareegay saddexdaasi deegaan oo haatan ay ka socdaan dhaq-dhaqaaqyo culus.

Sidoo kale ciidamada ayaa inta ay wadeen howlgalka soo saaray miinooyin culus oo ay maleeshiyaadka Al-Shabaab ku aaseen halkaasi, si ay ugu waxxyeelaan ciidamada.

Muuqaal ay iska soo duubeen ciidanka howlgalka sameeyay ayaa muujinayo iyaga soo furfuray walxo qarxo oo halis ah, waxaana haatan xaaaddu ay tahay mid deggan.

Wararkii ugu dambeeyay waxa ay sheegayaan in ciidamada baaritaanno ka wadaan gudaha tuulooyinka ay saakay howlgalada sifeynta ah kula jarmaadeen oo horay ugu sugnayeen kooxda Al-shabaab, si looga xaqiijiyo amniga loogana hortago soo rogaal celinta Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay saartay Shabeellaha Hoose, waxaana ka dhacay howlgallo culus oo lagu jabiyay argagixisada oo horay looga saaray deegaannada Bariire, Sabiid iyo Caanoole oo ay ka dhaceen dagaallo culus oo la’isku riiqmay.

Dagaalladan waxaa barbar socda duqeymo toos ah oo saaxibada caalamiga ah ay ku garaacayaan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyaadka Al-Shabaab, iyada oo lasoo bandhigay gaadiid qaraxyo oo la burburinayo iyo firxadka Al-Shabaab oo la leynayo.

Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin maleeshiyaadka Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca howlgallo iyo dagaallo u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo maleeshiyaadka Khawaarijta ee ku sugan halkaasi.

- Advertisement -

Read more

Local News