Muqdisho (Caasimada Online) – Garabka Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ee uu hoggaamiyo madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray xarigga Nabaddoon Xuseen Maxamed Maxamuud Xaadoole, oo ciidamada booliska Soomaaliya ay kasoo xireen hoygiisa ku yaalla magaalada Muqdisho.
“Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed waxay si adag u cambaaraynaysaa xarigga sharci-darrada ah ee lagula kacay Nabaddoon Xuseen Maxamed Maxamuud Xaadoole, oo ciidamada boolisku ka afduubteen hoygiisa, kadib markii uu si geesinimo leh uga hor yimid boobka iyo xaraashka dhulka danta guud ee uu hormuudka ka yahay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud,” ayaa lagu yiri bayaanka Madasha.
Nabaddoon Xaadoole waa oday dhaqameed saameyn ku leh bulshada, wuxuuna codkiisa ku difaacayay hantida shacabka Soomaaliyeed, sida ay sheegeen xubnaha mucaaradka.
“Nabaddoonku xaqiisa dastuuriga ah ayuu si nabad ah ugu cabbiray aragtidiisa ku aaddan ku takrifalka awoodda iyo hantida qaranka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Madasha.
Sidoo kale, mucaaradka ayaa xarigga Nabaddoon Xaadoole ku macneeyay isku day lagu cabburinayo codka shacabka, laguna handadayo qof kasta oo u taagan xuquuqdiisa dastuuriga ah.
“Xorriyadda hadalku waa xaq dastuuri ah oo aasaas u ah nidaamka dowladnimada, xabsina kuma muteysan karo ruux difaacaya hantida ummadda Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka Madasha.
Xubnaha Madasha oo farriin u diray Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa yiri: “Madashu waxay ugu baaqaysaa Madaxweynaha inuu joojiyo xaraashka dhulka danta guud, sidoo kale, waxay ku baaqaysaa in si degdeg ah xorriyaddiisa loo siiyo Nabaddoonka.”
Waxay sheegeen in xarigga Nabaddoon Xaadoole uu ka marqaati kacayo dulqaad-yarida Madaxweyne Xasan Sheekh iyo baqdinta uu ka qabo codka shacabka, sida ay hadalkooda u dhigeen.
“Waxaan ugu baaqaynaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Muqdisho, inay isu soo baxaan oo codkooda si geesinimo leh u cabbiraan, si loo badbaadiyo hantida ummadda, loogana hortago barakicinta danyarta,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Madasha Samatabixinta ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif.