25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Kulamo xasaasi ah oo dhex-maray madaxda DF iyo wafdiga Jabuuti + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa haatan kulamo xasaasi ah la yeeshay wafdiga uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Mudane Cabdulqaadir Xuseen Cumar oo maalmahaan safar shaqo ku joogay dalka, kadib booqasho rasmi ah oo ay ku yimaadeen maalitii Khaamiistii ahayd ee lasoo dhaafay.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka, iyaga oo ka wada-hadlay arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal ee walaalaha ah, iskaashiga amniga, horumarinta ganacsiga iyo isu-socodka bulshada.

Kulanka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Cabdisalaan Dhaay iyo safiirka Soomaaliya ee dalka Jabuuti Salaad Cali Jeelle, halka wasiir Cabdulqaadir Xuseen uu wehlinayay safiirka Jabuuti ee Soomaaliya iyo madax kale.

Saalax Axmed Jaamac oo madasha ka hadlay ayaa uga mahadceliyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti booqashada uu ku yimid dalka, isaga oo sidoo kale xusay taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin dowladda iyo shacabka reer Jabuuti dib u dhiska Soomaaliya.

Wasiirka ka socda Jabuuti ayaa horay ula kulmay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku qaabilay qasriga madaxtooyada, waxayna ka wada-hadleen arrimo xasaas ah.

Intii uu kulanka socday, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Wasiirka la wadaagay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaan dadaallada socda ee dib u dhiska, horumarinta iyo howlgallada lagu ciribtirayo Khawaarijta Daacish iyo Al-Shabaab, isaga oo uga mahadceliyay shacabka iyo Dowladda Jabuuti hiilka walaalnimo ee ay la garabtaagan yihiin walaalahooda Soomaaliyeed.

Dhankiisa Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti ayaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda soo gaarsiiyay salaan iyo dhambaal uu ka siday dhiggiisa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Waxaa kale kulanka Sidoo kale agu soo qaaday in la sii xoojiyo xiriirka istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Jabuuti ka dhexeeya kaas oo ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi qotodheer, gaar ahaan dhinacyada amniga, iyo arrimaha gobolka.

- Advertisement -

Read more

Local News