Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Puntland, Maxamuud Caydiid Dirir, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ku dalbaday laamaha ammaanka ee dalka Kenya in ay qabtaan oo baaritaan ku sameeyaan Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed oo falanqeeya arrimaha siyaasadda.
Maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay Prof. Cabdiwahaab inuu taageeray argagixisada caalamiga ah ee Daacish, taas oo Puntland kula dagaallamayso gobolka Bari.
“Waxaan odhan lahaa laamaha ammaanka ee Kenya waa inay waydiiyaan Cabdiwahaab sababta uu Daacish u taageeray. Caalamku wuxuu isku raacsan yahay in Daacish tahay argagixiso caalami ah, qof kasta oo taageero siiyana shuruucda dawliga ah ee dalalka kala duwani si isku mid ah ayay maxkamadayn karaan,” ayuu yiri wasiirka.
“Sida aan ka warqabno, dhowr jeer ayay dowladda Kenya su’aalo ka waydiisay xagjirnimadiisa. Hadda dambiga uu galay waa caddahay, waa in laamaha ammaanka Kenya qabtaan oo maxkamad geeyaan, si bulshada looga nabadgalo aragtiyaha argagixisonimo ee uu aaminsan yahay,” ayuu raaciyay Wasiir Maxamuud Caydiid Dirir.
“Macquul ma aha qof xagjir ahi inuu macallin u noqdo dhalinyarada mustaqbalka dalka Kenya. Kuwa buuraha Calmiskaad ciidamada difaaca Puntland ku dileen ee asal ahaan Kenya kasoo jeeda, waxaa dhici karta inuu isagu soo abaabulay. Dr. Cabdiwahaab fal denbiyeed buu faraha kula jiraa. Wuxuu ka shaqeeyaa safaaradda Suudaan ee Kenya, waxna ku bartay Suudaan. Dad badan oo halkaas wax ku bartay ayaa qayb ka ah aragtiyada xagjirnimada ee aaminsan in xukuumadaha xoog lagu beddelo, kuwaasina waxay ahaayeen kuwii ka dambeeyay nidaamkii Maxaakiimta ee Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
“Ninkan waa xagjir iyo basaas u shaqeeya dowladda Suudaan. Macquul ma aha qof aqoonyahan sheeganaya inuu dhiigga ciidamada difaaca Puntland ku tilmaamo xayeysiis loo sameynayo madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni. Ninkani wuxuu duullaan ku yahay nabadda iyo xasilloonida caalamka, gaar ahaan geeska Afrika,” ayuu wasiir Caydiid ku soo afjaray qoraalkiisa.
Jawaabta wasiirka ayaa timid kadib markii dhawaan Prof. Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad uu wareysi ku sheegay in dagaalka Puntland kula jirto Daacish uu yahay xayeysiis loo samaynayo madaxweyne Siciid Deni, oo ay riixayaan dalal shisheeye, isla markaana uu dafay in Daacish dhab ah ku jirto buuraha Calmiskaad ee Puntland. Hadalkiisa ayaa dhaliyay falcelin xooggan.

