26.5 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Waqooyi Bari caqabad ma ku noqon kartaa hanka Saciid C/llaahi Deni ee federaalka?

By Abdullahi Osman Farah
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Reer Puntland dharbaaxo culus ayay ku noqon doonta haddii ay isku dayaan inay sii wadaan diidmada dhismaha maamulka Waqooyi Bari, oo si rasmi ah loo dhameystiray 30-kii August.

Horey Puntland waxay u diiday dhismihii maamulka Galmudug, laakiin waa joojin waayeen, aakhirkiina waxay ku qasbanaadeen inay xaqiiqada la macaamilaan.

Haddana iyadoo ugu dambeyn ay Puntland iyo Waqooyi Bari isa soo garab fariisan doonaan iyagoo laba maamul goboleed ah, waxaa Puntland la gudboon inay maamulkan dhismay dhabaha ula wareegaan, la dhaqmaan oo dhinacooda ka koriyaan.

Hoggaamiyaha maamulka Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni waa musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya doorashada soo socota. Sida iska cadna waxaa xildhibaannada Sool iyo Sanaag ee heer federaal kuraastooda la gayn doonaa magaalada Laascaanood, xitaa haddii la aadayo doorasho dadban. Sidaas awgeed, Saciid Deni uma baahna inuu furintaasi colaadeed kusii jiro.

Siyaasadda iyo siyaasiyiinta waa guur-guuraan, waana xaalad la xiriirta isbeddelka duruufaha. Firdhiye hadda waxa dhisay oo xoog iyo xoolaba geliyay madaxweyne Xasan Sheekh, laakiin xilli walba ayuu Firdhiye ku dhici karaa isbeddel siyaasadeed oo uu sida Xasan Sheekh si ka duwan u arki karaa doorashada heer federaal.

Sidaa darteed, Saciid Deni uma baahna inuu albaabada Firdhiye iyo kuwa Waqooyi Bari iska xiro oo xaqiiqada kasii dhuunto.

Firdhiye, isna ma dafiri karo wixii maamulka Puntland naf iyo maal geliyay in Somaliland laga saaro magaalada Laascaanood, wuxuuna ku qasban yahay Firdhiye inuu dabacsanaan siyaasadeed u muujiyo mashruuca kala gurashada Puntland iyo Waqooyi Bari.

- Advertisement -

Read more

Local News