25.6 C
Mogadishu
Wednesday, October 22, 2025

Madaxweynaha Jubaland oo arrimo xasaasi ah la wadaagay XAMSE WARFAA + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo haatan ku sugan dalka Kenya ayaa kulamo xasaasi ah ka wada magaalada Nairobi ee Caasimada dalkaasi, kuwaas oo uu la yeelanayo dhinacyo kala duwan.

Axmed Madoobe ayaa qaabilay Xamse Warfaa oo horey u ahaa lataliyaha Madaxweynihii hore ee Mareykanka, Joe Biden, isaga oo la wadaagay arrimo xasaasi ah oo la xiriira xaaladda dalka.

Madaxweynaha Jubaland ayaa sidoo kale xog-warran ka siiyay Xamse Warfaa xaaladda siyaasadeed iyo amni ee dalka, isagoo xusay dadaallada Jubaland ay ugu jirto xasilinta iyo horumarinta deegaanada Dawladda Jubaland.

Dhankiisa Xamse Warfaa ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jubaland kulanka uu qaabilay, isagoo sheegay inuu ku faraxsan yahay wadaagista aragtiyaha iyo xogta ku saabsan xaaladda Soomaaliya.

Kulankan waxaa ka horreeyay kulamo kale oo uu Axmed Madoobe la yeeshay siyaasiyiin Soomaaliyeed oo ay ku jiraan xildhibaanno, kuwaas oo iyana ku sugan caasimada Nairobi.

Dhaq-dhaqaaqyadan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli halkiisii uu yahay khilaafka u dhexeeya Jubbaland iyo Puntland, kaas oo gaaray heer gacan ka hadal ah, kadib dagaallo qaraar oo labada dhinac ku dhex-maray Raaskambooni iyo Beledxaawo ee maamulkaasi.

Sidoo kale dhowaan Jubbbaland oo warsaxaafadeed soo saartay ayaa ku baaqday in la isugu yimaado shirweyne lagu badbaadinayo dalka, iyada oo sidoo kale taageeertay bayaankii kasoo baxay Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed.

Si kastaba, Xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa haatan ah mid cakiran, waxaana weli la isku hayaa hanaanka loo wajahayo doorashooyinka 2026 iyo wax ka beddalkii horay loogu sameeyay dastuurka oo ay diidan yihiin mucaaradka, Jubbbaland iyo Puntland.

- Advertisement -

Read more

Local News