27.9 C
Mogadishu
Thursday, October 30, 2025

Madaxweyne Firdhiye oo durba bilaabay abaal-gudka Xasan Sheekh + Sawirro

Bookmark
Bookmarked

Share

Laascaanood (Caasimada Online) – Madaxweynaha cusub ee Waqooyi Bari Soomaaliya, Cabdulqaadir Axmed Aw-cali (Firdhiye) ayaa durbadii qaaday tallaabo uu ugu abaal gudayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kadib guushiisii oo ay ka taageertay dowladda dhexe.

Firdhiye oo ka duulayo garab istaaga Villa Somalia ayaa haatan u dhaqaaqay inuu soo celiyo abaalka la gashtay, wuxuuna maanta guda galay inuu fuliyo qorshaha doorasho ee Xasan Sheekh.

Madaxweynaha  Maamulka Waqooyi Bari ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray goobaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha dadweynaha, wuxuuna isku diiwaan geliyay doorashada qof iyo codka ah ee ay haatan qorsheyneyso inay dalka gaarsiiso kooxda Villa Soomaaliya.

“Waxaa sharaf weyn ii ah inaan si rasmi ah u daahfuro diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka DG Waqooyi Bari. In shacabka talada loo soo dhaweeyo oo ay doortaan cid kasta oo ku metelaysa golayaasha deegaanka, Wakiilada iyo Baarlamaanka Federaalka waa waajib ku xusan Dastuurka Waqooyi Bari iyo kan Qarankaba,” ayuu yiri C/qaadir Firdhiye.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in reer Waqooyi Bari ay wacdaro ka dhigi doonaan goobaha diiwangelinta, isla markaana ay la shaqeyn doonaan dowladdooda.

“Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in Waqooyi Bari ay wacdaro ka dhigi doonto doorashooyinka heer Dawlad Goboleedka iyo kuwa qarankaba ayna ka cod bixin badanto maamulo badan oo dalka ah” ayuu mar kale yiri Madaxweynaha Waqooyi Bari Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu farriin u diray shacabka oo uu ugu baaqay inay qaataan shahaadada isdiiwaangelinta, si ay u helaan xuquuqda dastuuriga ah ee muddada dheer ka maqneyd.

“Waxaan ugu baaqaayaa dhammaan shacabka Waqooyi Bari in ay is-diiwaangeliyaan oo ay noqdaan codeeyayaal codkooda ku doorta cidda metelaysa” ayuu sii raaciyay.

Cabdulqaadir Firdhiye ayaa toos ugu xiran Villa Somalia, wuxuuna horay ugu biiray Xisbiga uu dhisay Xasan Sheekh Maxamuud ee JSP, isagoo taageeradaas ku caana maalay, maadaama uu mar kale ku guuleystay inuu sii hogaamiyo maamulkan cusub.

Si kastaba, Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaare Xamse ayaa la filayaa inay dhawaan gaaraan magaalada Laascaanood, iyaga oo ka qayb-geli doono caleema saarka Firdhiye, sida uu sheegay guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Aqalka Sare Cabdullaahi Timacadde oo ku bogaadiyey Dowladda kaalintii ay ku lahayd dhismaha Waqooyi Bari.

- Advertisement -

Read more

Local News