Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo bixiyay wareysi cusub ayaa ka hadlay walwalka ay dowladda Jabuuti ka qabto kobac ay sameyso dekedda Berbera ee maamulka Somaliland.
Muuse Biixi ayaa gebi ahaanba meesha ka saaray cabsida ay Jabuuti ka qabi karto kobaca dekedda Berbera, oo ay maamusho shirkada DP WORLD.
Madaxweynihii hore ayaa qiray in inkasta oo dekedda Berbera ay ku qalabaysan tahay agab casri ah, haddana aan la barbar dhigi karin dekedda Jabuuti oo aad uga horumarsan.
Waxa uu si cad u sheegay in fursada suuqa ay ku filan yihiin labada dekeddood, oo Berber aysan dhaqaale burbur ku ridi karin Jabuuti, haddii ay sii horumarto.
“Jabuuti in badan ayay ka horeysa Berbera, tu kalena ka walwali maayan oo Itoobiya waa 100 milyan oo sii kordhaya, marka Berbera wax ay u tarto oo howsha taalla ka fududeyso mooye, dhaqaale burbur kaga imaanaya ma jiro,” ayuu yiri Muuse Biixi.
Sidoo kale waxa uu sheegay in dekedda Berbera aysan awoodi doonin inay la qabsato dekedaha Jabuuti muddo 20 sano ah oo soo socota xitaa haddii horumar sameyso.
“Berbera Jabuuti tiknoolaji kuma gaareyso, oo waxay Jabuuti naga horeysa 20 sano haddii la eego system-ka, haamaha iyo hanaanka casriga ee ka shaqeeya,” ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Somaliland.
Dhinaca kale, wuxuu sheegay in siyaasad ahaan aysan Somaliland colaad u qabin Jabuuti, sidaas darteedna aysan jirin wax ay cabsi ka muujiso dowladda Jabuuti.
“Wey cadhootay Jabuuti, illaa himika ayaa garan la’ahay waxa loo dhimay. Berbera diidan tahay, Berbera ma gaari karto oo maba soo qaban kartee,” ayuu yiri Muuse Biixi Cabdi.
Si kastaba, xiriirka Jabuuti iyo Somaliland ayaa mad-madow badan soo galay xilligii uu tallada hayay Muuse Biixi sababo la xiriira is-afgaradkii badda ee Itoobiya, inkastoo markii uu hoggaanka cusub uu la wareegay tallada maamulka uu si tartiib ah usoo laabanayo xiriirkii labada dhinac.

